Home Dhacdooyin Faransiiska oo jug culus ku dhuftay Israel

Faransiiska oo jug culus ku dhuftay Israel

by Laacib

Khilaaf siyaasadeed ayaa soo kala dhexgalay Faransiiska iyo Israel, ka dib markii Paris ay qaadday tallaabo ka careysiisay Maamulka Israel.

Faransiiska ayaa shirkadaha Israel ka mamnuucay in ay ka qaybgalaan bandhigga hubka iyo warshadaha difaaca ee Eurosatory, oo lagu qabanayo Xarunta Villepinte oo 18km waqooyi bari kaga beegan Caasimadda Paris.

Eurosatory waa bandhigga caalamiga ah ee ugu weyn ee difaaca iyo amniga, waana bandhig labadii sanaba mar la qabto, laguna qabto Xarunta Bandhigga ee Paris Nord Villepinte.

Wasaaradda Difaaca Faransiiska ayaa xukuumadda u soo jeedisay in shirkadaha hubka Israel laga mamnuuco in ay ka qaybgalaan bandhigga carwada ee sanadkan, taas oo Dowladda Faransiiskana ay aqbashay.

Paris ayaa go’aankan qaadatay, si Israel loogu ciqaabo duulaankeeda deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza iyo duqayntii habeenkii Axadda ay Israel u gaysatay xerada dadka barakacayaasha degan yihiin ee ku taala galbeedka Rafah, halkaas oo 45 qof ay ku dhinteen, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo Isniintii cambaareeyay weerarkaasi ayaa sheegay in uu aad uga carooday falkaasi argagaxa leh, oo dadka ku dhintay ay u badan yihiin hooyooyin iyo dhallaankii ay dhalleen.

Madaxweyne Macron ayaa xilligaasi ugu baaqay Israel in ay joojiso weerarka ballaaran ee Rafah, balse Israel oo ka dhego fureysatay ayaa mar kale Rafah iyo deegaanada ku xeeran ka gaysatay duqaymo ay ku bartilmaameedsaneyso xeryaha barakacayaasha, taas oo galaafatay nolosha in ka badan 37 qof.

Wasaaradda Difaaca Faransiiska ayaa sheegtay in go’aankooda uu jawaab u yahay gulufka militari ee ay Israel ku hayso Rafah, oo horey loogu aqoonsaday aag bani’aadantinimo, loogana digay in ay weerarto.

Go’aanka Paris ayaa daba taalo inaanan shirkadaha hubka u soo iibiyo Israel xitaa laga iibin karin hubka ay suurtagalka tahay in loo isticmaalo karo dembiyada ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinta Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto. Tani macnaheedu waxaa weeye inaanan Israel sanadkan laga iibin doonin hubka iyo qalabka anfici kara ee lagu soo bandhigo carwadaasi.

74 shirkadood oo Israel laga leeyahay ayaa horey loogu diiwaangeliyay in ay ka qayb qaataan bandhigga sanadkan ee la qaban doono 17-21 bisha soo socoto ee June. 10 ka mid ah shirkadahan ayayna ahayd inay soo bandhiggan hubka ay farsameeyaan.

Tallaabada ka dhanka ah shirkadaha Israel ayaa caqabad ku ah dakhli badan oo dhaqaale, oo ay filayeen in ay ka heli doonaan bandhigga carwaadaasi, sababta ugu weyn ee looga joojiyayna waa suurtagalnimada in ay ka qayb qaadan karaan dembiyada.

Go’aankan oo dharbaaxo siyaasadeed ku ah Israel ayay madaxdeedu bilaabeen in ay ka falceliyaan.

Benny Gantz oo ka tirsan Golaha Wasiirada ee dagaalka ayaa sheegay in uu la hadlay Raysal Wasaare Gabriel Attal, isla-markaana uu u sheegay in go’aanka Dowladda Faransiiska uu yahay mid lagu abaalmarinayo sida uu yiri argagixisada.

Gantz ayaa Madaxda Faransiiska ugu baaqay in ay dib u eegaan go’aankan, isla-markaana ay sii wadaan dadaaladooda ay kaga hortaggayaan, waxa uu ku sheegay heerarka naxdinta leh ee sii kordhaya ee Yahuud naceybka.

Faransiiska ayay wax iska bedeleen taageeradiisii Israel, waxaana xusid mudan in uu safka hore kaga jiray dalalka reer Yurub ee taageerada ugu badan siiya maamulkaasi.

Faransiiska ayaa bilowgii si weyn u taageeray duulaanka Israel ee Marinka Gaza, balse dibadbaxyada lagaga soo horjeedo ee dalkaasi ruxay ayaa ku riixday in ay dib u eegaan xiriirkoodii Israel.

Dhiigga ay Israel gacmaha kula jirto ayaa dunida ka dhaliyay carro xoog leh, taas oo soo dedejisay in dowladaha reer Yurub qaarkood ay qaadaan tallaabooyin ay iskugu dayayaan in ay gacmaha uga qabtaan Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, si loo joojiyo dhiigga ku daadanaya Marinka Gaza.

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ayaa toddobaadkii hore soo saartay amar ay Israel ugu sheegeyso in ay joojiso duulaankeeda Rafah, inkastoo ay ku gacan seyrtay, ayna sii waddo dilka iyo gaajeysiinta ay ku hayso dadka reer Gaza.

Tan iyo markii ay Israel weerartay Marinka Gaza, tirada dadka raydka ah ee ay ciidamadeedu dileen ayaa gaartay 36,284 qof iyo dhaawaca 82,057 kale.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa la sheegaya in hadda uu dareemay culeyska weyn ee ka soo fuulay dhanka Faransiiska, waxaana ay maamulkiisu ku noqonaysaa mid siyaasad ahaan ka sii go’doomineysa dunida.

Netanyahu ayaa la filayaa in uu ka hadlo arrinta soo korortay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc