Home Wararka Caalamka Faransiiska oo ka hadlay isbahaysiga ka dhanka ah Xuuthiyiinta Yemen

Faransiiska oo ka hadlay isbahaysiga ka dhanka ah Xuuthiyiinta Yemen

by Laacib

Wasaaradda Difaaca Faransiiska ayaa sheegtay in ay door muuqdo ka qaadan doonaan dadaalada lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Badda Cas, ka dib markii Mareykanka uu ku dhawaaqay isbahaysi 10 dal oo ka hortagga weerarada Xuuthiyiinta Yemen ee Badda Cas.

Faransiiska ayaa qayb ka ah isbahaysigan oo Mareykanka uu hoggaamin doono, ujeedkiisuna yahay in lagu la dagaalamayo weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee ku sii jeeda Israel.

“Waxaan ku baaqaynaa iskuduwidda ugu ballaaran ee suurtagalka ah ee ka dhaxeeya wada hawlgalayaasha gobolka iyo qaramada kala duwan ee ay khuseyso, si loo ilaaliyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa badda.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Faransiiska.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “Hawlgalka Ciidamada Badda Faransiiska ee Badda Cas ayaa ku sii jiri doona amarka qaranka, waxayna dammaanad qaadi doonaan xorriyaddeena ficilka.”

Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka, Lloyd Austin oo booqasho ku maraya Bariga Dhexe ayaa ku baaqay in dalal badan ay gacan ka gaystaan dadaalada lagu ilaalinayo maraakiibta mareysa Badda Cas.

Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga, si loola tacaalo khatarta ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee isticmaala marinka ugu muhiimsan ee maraakiibta caalamka.

Wadamada illaa iyo hadda qaybta ka ah isbahaysiga ayaa kala ah UK, Bahrain, Canada, France, Italy, Norway, Spain, Mareykanka iyo Seychelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc