Home Wararka Caalamka Faransiiska oo si adag u cambaareeyay duqaynta Israel ee Isbitaalka Gaza

Faransiiska oo si adag u cambaareeyay duqaynta Israel ee Isbitaalka Gaza

by Laacib

Faransiiska ayaa cambaareeyay weerarka dhinaca cirka ee xalay Israel ka gaysatay Isbitaalka Al-ahli Arab ee Marinka Gaza, oo ay ku dhinteen 500 oo qof.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu uu cambaareynayo weerarka lagu dilay dadka faraha badan ee Falastiiniyiinta ah.

“Faransiisku waxa uu cambaareynaya weerarka lagu qaaday Isbitaalka Al-ahli Arab ee Magaalada Gaza, kaasi oo lagu dilay dad badan oo Falastiiniyiin ah, waxaana la qaybsanaynaa xanuunka iyo murugada.” Ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inaanay jirin wax cudurdaar ah oo loo heli karo beegsiga isbitaalka, mana jirto buu yiri wax sabab u noqon kara beegsiga shacabka.

“Ma jiraan wax cudurdaar ah oo ku aaddan isbitaalka la weeraray, mana jirto wax sabab u noqon kara beegsiga shacabka.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa raaciyay “Dhammaan iftiinka waa in lagu shido duruufaha.”

Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku baaqay in si degdeg ahi loo furo marinada gargaarka ee Gaza, iyadoo aanay jirin sida uu yiri wax dib u dhac ah.

“Helitaanka gurmadka bani’aadantinimo ee Marinka Gaza waa in dib loo furo, iyada oo aan dib loo dhigin.” Ayuu yiri Madaxweyne Macron.

Kaalmada bani’aadanimo ee ay dowladaha gobolka iyo kuwa caalamkaba ugu talagaleen shacabka Falastiiniyiinta ayaa ku xayiran xuduudda Masar iyo Gaza, ka dib markii ay Israel ka hor timid in gargaarka la gaarsiiyo Marinka Gaza.

Israel ayaa toddobaadkii hore go’doomin adag ku soo rogtay Gaza, si ay kaga aargudato weerarkii Xoogaga Xamaas ee ay 7-dii bishan ka gaysteen dhulka la haysto.

Ciidamada Israel ayaa sii wada duqaymaha baahsan ee ay ka fulinayaan Gaza, oo ay ku dhinteen in ka badan saddex kun oo qof, tiro ka badan toban kun oo kalena ay ku dhaawacantay.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa ciqaab wadareedka Israel ee dadka reer Gaza ku tilmaamay dembi dagaal oo ka dhan ah bani’aadantinimada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc