Home Wararka Maanta Fatahaadda Webiga Shabelle oo looga barakacayo Beledweyne

Fatahaadda Webiga Shabelle oo looga barakacayo Beledweyne

by Laacib

Shacabka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maalintii labaad isaga barakacaya guryahooda, ka dib markii Webiga Shabelle uu si weyn ugu fatahay magaaladaasi.

Webiga oo qarka jabsaday ayaa habeenkii Sabtida bilaabay in uu ku fataho xaafadaha magaalada, iyadoona Axaddii uu mar kale si weyn ugu fatahay.

Qoysas fara-badan ayaa illaa shalay ka barakacayay magaalada, iyagoo ku biiraya dadkii horaan magaalada uga baxay baqdin ay ka qabeen in webigu uu fatahaad ka gaysan karo magaaladaasi.

Dadka ayaa gaaraya dhulka taagagga ah ee ku yaala darafyada magaalada, si ay halkaasi ugu nagaadaan, inta ay biyuhu ka yaraanayaan.

Waa markii labaad oo dadka reer Beledweyne ay sanadkan gudihiisa isaga barakacaan guryahooda.

Bishii May, biyo guurto lagu sheegay oo ka soo rogmaday dhanka dalka Itoobiya ayaa sababay in webigu uu si baahsan ugu fataho labada daamood ee magaalada.

Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa Axaddii ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo dalka uu galay, taas oo ay sheegtay inay ka dhalatay roobabka mahiigaanka ah ee muddooyinkii ugu dambeysay ka da’ayay qaybo ka mida gobolada dalka, isla-markaana sababay daadad iyo fatahaado gaystay khasaare naf iyo maalba leh.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in roobabka ay ku geeriyoodeen 31 qof, sidoo kalena ay ku barakaceen dad gaaaya ku dhawaad shan boqol oo kun oo qof.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaaladda degdegga ay dowladda ku dhawaaqday ay uga gol leeyihiin, si loogu gurmado dadka ay dhibaatooyinka soo gaareen.

Digniinaha laga bixinayo roobabka mahiigaanka ee ka dhashay isbedelka cimilada ee ay sababtay duufaanta El Niño ayaa muujinaya in ay jiri karto khatar baahi karta oo dalka uu wajihi karo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc