Home Wararka Maanta Gaari dad shacab ah la socdeen oo qarax ku haleelay Gobolka Shabellaha Hoose

Gaari dad shacab ah la socdeen oo qarax ku haleelay Gobolka Shabellaha Hoose

by Laacib

Qaraxan oo ahaa miino waddada dhinaceeda lagu aasay ayaa si xun u waxyeelay gaari dad shacab ah la socdeen, oo isugu kala gooshayay Magaalada Marka iyo Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Gaariga oo noociisu Caasi ahaa ayaa dad rakaab ah ka qaaday Magaalada Marka, iyadoona uu ku sii jeeday Degmada Qoryooley.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigu uu qaraxu qabsaday, mar uu marayay aagga beeraha Abiikarow, oo ku yaala inta u dhaxeyso Shalambood iyo Kabtan-laas.

Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka laba iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in dhammaan dadka qaraxaasi ku waxyeeloobay ay rayid ahaayeen.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah darawalkii gaariga, oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Shariif Cismaan (Cafiif).

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse maleeshiyada Al Shabaab ayaa inta badan sheegta qaraxyada ciidamada lagu la eegto gobolkaasi.

Dagaalka jabhadeynta ay Shabaabku dalka wadaan oo ay qayb ka yihiin qaraxyada ayay waxyeelo ka soo gaartaa dadka shacabka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc