Home Wararka Maanta Gaari lagu soo raray walxaha qarxa oo lagu soo bandhigay Muqdisho (SAWIRRO)

Gaari lagu soo raray walxaha qarxa oo lagu soo bandhigay Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa galabta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Taliska ayaa deegaanka Daarusalaam ku soo bandhigay gaarigan oo noociisu uu ahaa Leyla Calaawi iyo darawalkii waday.

Laamaha ammaanka ayaa ku guuleystay in ay kala furfuraan qaraxyadii lagu soo raray gaarigaasi, ka dibna ay u soo bandhigaan Warbaahinta.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in Ciidanka Polizia Militare ay xalay gaarigan ku qabteen deegaankaasi, xilli la doonayay in gudaha loo soo geliyo Caasimadda Muqdisho.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in gaariga lagu soo raray maadada la yiraahdo Trinitrotoluene (TNT), oo ah nooc ka mid ah kiimikooyinka la farsameeyo ee loo adeegsado qaraxyada.

“Gaarigaas aad aragtaan waxaa ku rarneyd markii gacanta lagu dhigayay illaa 10 jirgaan oo labaatanlayaal ah, oo ay ku jiraan baaruudda nooca loo isticmaalo qaraxyada ee loo yaqaano TNT iyo sidoo kale dhagarqabihii gaariga waday, oo ciidamada ammaanka ay gacanta ku hayaan, haddana waxaa ku socota baaris la xiriirta dhacdadaasi, si ay caddaaladda u maraan isaga iyo intii kale ee falkan guracan ku lug lahayd.” Ayuu yiri Doodisho.

Doodisho ayaa xusay in Shabaabku ay bilaabeen in ay carqaladeeyaan magaalooyinka nabdoon sida Muqdisho, ka dib culeyska weyn oo ka soo fuulay hawlgalada ka socda gobolada dalka qaarkood.

Doodisho ayaa ciidamada ammaanka ee ka hawlgala caasimadda ku ammaanay inay u diyaarsan yihiin, sidii ay uga hortaggi lahaayeen falalka uu sheegay ay Shabaabku doonayaan in ay ku dhibaateeyaan shacabka aan waxba galabsan.

“Marka hawlgalada noocaasi ah way sii socon doonaan, Khawaarijna Ilaahay idinkiis dalkan waa laga sifeyn doonnaa.” Ayuu yiri Doodisho.

Doodisho ayaa intaasi raaciyay “Xilliga ugu dhow waxay Somaliya noqon doontaa dal ka caagan Khawaarijta, hawlgalada lagu la dagaalamayana gude iyo dibadba way ka socon doonaan, magaalada caasimadda gudaheeda, bannaankeeda iyo gobolada dalka, Ilaahay idinkiisna waxaan rajeynayna in Khawaarijta la soo afjaro.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc