Home Wararka Caalamka Gabar ka mid ah la haysteyaasha Gaza oo meydkeeda la helay

Gabar ka mid ah la haysteyaasha Gaza oo meydkeeda la helay

by Laacib

Maamulka Israel ayaa xaqiijiyay in ay heleen meydka gabar reer Israel ah, taas oo ka mid ahayd dadkii ay Xoogaga Xamaas ku soo qafaasheen weerarkii 7-dii October.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in geerida Noa Marciano ay ku wargeliyeen qoyskeeda, sida ay ku sheegeen war qoraal ah oo ay soo saareen.

Taliska ayaa sheegay in ay murugada la qaybsanayaan qoyska iyo ehelada gabadhan oo 19 jir ahayd, kana tirsaneyd ciidamada.

Xoogaga Xamaas ayaa Isniintii baahiyay muuqaal ku aaddan gabadhan. Muuqaalka ayaa waxaa ka soo muuqatay Noa Marciano oo ka hadleysa afduubkeeda iyo iyadoo ka digeysa weerarada xagga cirka ee Israel ka waddo Marinka Gaza, isla-markaana sheegeysa in la hayay afar maalmood. Muuqaalkaas ayaana loo maleynaya in laga duubay 10-11-kii bishii October.

Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in gabadhaasi ay ku dhimatay duqayn ay Ciidamada Israel gaysteen.

Militariga Israel ayaa rumeysan in 240 qof oo Israeliyiin ah ay hadda Xoogaga Xamaas ku haystaan Marinka Gaza.

Geerida gabadhan ayaa ku soo aadaysa, xilli qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha ay Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku cadaadinayaan in ay Ururka Xamaas la gasho heshiis maxaabiis is weydaarsi ah, si loo badbaadiyo nolosha la haysteyaasha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc