Home Dhacdooyin Gabar Soomaali Mareykan ah oo loo doortay Duqa Magaalada St. Louis Park (Taariikh cusub)

Gabar Soomaali Mareykan ah oo loo doortay Duqa Magaalada St. Louis Park (Taariikh cusub)

by Laacib

Naadiya Maxamed, oo ah gabar Soomaaliyeed oo haysata dhalashada dalka Mareykanka ayaa loo doortay inay noqoto Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota.

Naadiya Maxamed ayaa dhigtay taariikh cusub, ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreyay ee Muslim ama madow ah ee loo doorto xilka duq magaalo ee Gobolka Minnesota.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleystay, anigoo ah gabar Soomaaliyeed, gabar Muslim ah, gabar qaxooti ama madow ah.” Ayay tiri Naadiya Maxamed.

Iyadoo hadleysay, ka dib markii ay doorashada ku guuleysatay ayaa tiri “Intii i taageertay oo i caawisay mahadsanid, guushaan waa guusheennii.”

Magaaladan ayaa ka mid ah meelaha Soomaalida codeysa aysan ku badnayn, haddana tani ayaan Naadiya Maxamed ka hor istaagin inay codka ka hesho codbixiyeyaasha kale ee degan St. Louis Park.

“Aniga dhulkan waan ku soo koray, 18 sano ayaan magaaladan deganaa, iskuulka meeshaanaa ku dhigtay. Marka fudeyd bay u ahayd dadka inay ii codeeyaan, sababtoo ah way i garanayeen.” Ayay tiri Naadiya Maxamed.

Gabadhan ayaa afartii sano ee ugu dambeysay ka tirsaneyd Golaha Deegaanka ee magaaladaasi, iyadoona xilka hayn doonto afarta sano ee soo socota.

Naadiya Maxamed oo 27 jir ah ayaa bishii April ee sanadkan ku dhawaaqday musharaxnimadeeda.

Naadiya oo doorashadan kaga adkaatay Dale Anderson, oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota ayaa lagu wadaa in xilka loo dhaariyo 2-da bisha January ee sanadka 2024.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ayaa si weyn u soo dhaweysay guusha ay Naadiya Maxamed ka gaartay doorashadan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc