Home Wararka Caalamka Gabdho mataano ahaa oo ku dhintay duqayn Ruushka ka gaystay Ukraine

Gabdho mataano ahaa oo ku dhintay duqayn Ruushka ka gaystay Ukraine

by Laacib

Hablahan mataano ahaa ayaa ka mid noqday 10 qof oo ku dhintay duqayn uu Ruushku ka gaystay maqaaxi ku taala Magaalada Kramatorsk ee bariga dalka Ukraine.

Yuliya iyo Anna Aksenchenko oo 14 jir ahaa ayaa fiidnimadii xalay ku sugnaa maqaaxida Pizza-ha ee RIA, markii ay duqayntu dhaceysay.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in maqaaxida la bartilmaameedsaday, xilli uu mashquul badan ka jiray.

Sidoo kale dadka kale ee duqaynta ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah wiil yar, kaas oo maanta meydkiisa laga soo saaray burburka dhismaha, sida uu sheegay Duqa Kramatorsk, Oleksandr Goncharenko.

Saraakiishu waxay sheegeen in dhowr iyo konton qof oo kale ay ku dhaawacmeen gantaalka uu Ruushku ku weeraray maqaaxidaasi.

Dadka reer Kramatorsk ayaa weli xusuusan dhacdadii 63 qof ku dhinteen bishii April ee sanadkii hore, ka dib markii Ciidamada Ruushka ay garaaceen maxaddo tareen oo ku taala magaaladaasi.

Dowladda Ukraine ayaa maamusha Magaalada Kramatorsk ee Gobolka Donetsk, inkastoo aanay ka fogayn dhulka ay Militariga Ruushka kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Donetsk waxay ka mid tahay 4-tii gobol ee uu Ruushku qarameeyay bishii October.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc