Home Wararka Maanta Galmudug oo ballanqaaday inay ogaan doonto qoysaska askarta ku dhimatay weerarkii Laas-gacamey

Galmudug oo ballanqaaday inay ogaan doonto qoysaska askarta ku dhimatay weerarkii Laas-gacamey

by Laacib

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ballanqaaday inay ogaan doonto, isla-markaana ay daryeeli doonto qoysaska labada askari ee ku geeriyooday weerarkii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay deegaanka Laas-gacamey ee Gobolka Mudug.

Askartan oo ka mid ahayd ilaalada Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ka hortegay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo la doonayay in lagu dhibaateeyo Madaxweynaha Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay rasaas xoogan ku fureen nin la socday gaari Leyla Calaawi ahaa, kaas oo doonayay in uu beegsado dhismihii ay madaxdu ku sugneyd.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu billad geesinimo ah guddoon-siiyay labada askari ee kala ah Axmed Fiiqane Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi, oo iyagu naftooda u huray baa la yiri Madaxda Galmudug, Xildhibaanada Federaalka iyo Saraakiisha ku sugneyd deegaanka Laas-gacamey.

“Dowladda Galmudug waxay si buuxda u kafaala-qaadaysaa qoyska iyo ubadka naftood hurreyaasha, waxayna waalidka dhalay uga mahadnaqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxa kaloo lagu sheegay “Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadowga khawaarijta ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.”

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) oo ka tirsan Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka mid ah xubnihii la joogay Madaxweyne Qoorqoor, xilligii uu weerarku dhacayay.

Xildhibaan Dhabancad oo ah Xildhibaanka ugu da’da weyn Golaha Shacabka ayaa waxa uu dhaawac fudud ka soo gaaray gacanta.

Xildhibaan Dhabancad oo hadlay ayaa sheegay in dhaawiciisu uu ka dhashay gurigii ay deganaayeen oo sida uu sheegay ku soo dumay.

Dhabancad ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Senator Cabdi Qaybdiid uu qudhiisu soo gaaray dhaawac fudud.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, waxaana uu weerarku imaanaya, xilli Koonfurta Gobolka Mudug uu ka socdo hawlgal ballaaran oo la doonayo in maleeshiyada lagaga saaro deegaanada ay ka arrimiyaan gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc