Home Wararka Maanta Galmudug oo beelaha ku dagaalamaya Gobolka Mudug ugu baaqday inaanay caqabad ku noqon hawlgalka

Galmudug oo beelaha ku dagaalamaya Gobolka Mudug ugu baaqday inaanay caqabad ku noqon hawlgalka

by Laacib

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha labadii maalmood ee ugu dambeysay ku dagaalamayay Gobolka Mudug.

Dagaalka oo Axaddii ka qarxay deegaanada Laanwaley iyo Saaxa-wanaag oo hoostagga Degmada Bandiiradley ayaa salka ku haya daaqa iyo waraabka.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobolkaasi, haddii uu gobolku ka socdo guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Waxaa wax laga xumaado ah dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanada Gobolka Mudug ee u dhaxeeya dadka deriska ee walaalaha ah, muddada dheerna halkaasi wada deganaa.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay in ay ka masuul yihiin dagaalka labada beelood ku dhex maraya gobolkaasi.

“In maantay uu ka faa’iideysto cadowgu, isla-markaana ay sameeyaan howlo cadowga u adeegaya, oo ah in ay isku laayaan deegaanada daaqsinka iyo waraabka waa wax aad iyo aad looga xumaado.” Ayuu yiri Wasiirka oo warkan ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

Wasiirka ayaa ku baaqay in beeluhu ay ka feejignaadaan dhagarta Al Shabaab, isla-markaana ay joojiyaan dagaalka, iyagoo markaasi ka wada hadlaya wixii tabasho ee dhexdooda ah.

“Dadka walaalaha ah waxaa loo baahan yahay inay wada hadlaan, wixii ay kala tabanayaana la dhex galo, laakiin xabad dambe inaanan dib loogu soo laaban.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Sidoo kale labadaasi beelood ayuu kula dardaarmay inaanay caqabad ku noqon hawlgalka ka socda gobolka, taas oo Shabaabka fursad u siineysa in ay dib ugu soo xoogeystaan gobolkaasi.

“Iyadoo cadowgu uu taag daran yahay, iyadoo cadowgu uu liito in maanta gadaal laga soo nooleeyo waxyaabihii uur ku taalada lahaa ee qabaa’ilka, waxaan dareemaynaa inay tahay fursamo uu cadowgu lug ku leeyahay. Dadka walaalaha ah ee halkaasi degan waxaan leenahay ka waantooba, ka waantooba daadinta dhiig walaal.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Aadan, Wasiirka Amniga Galmudug.

Dhanka kale Wasiirka ayaa Dowlad Goboleedka Puntland ugu baaqay in dhinaceeda ay gacan ka gaysato, sidii loo joojin lahaa colaadda beelahaasi.

“Walaalahayaga Puntland waxaan leenahay idinkuna soo fara-geliya, annaguna waan ka shaqeynaynaa, sidii lagu joojin lahaa colaaddaasi, labada maamulna uu iska kaashado, dhinaciina inaad ka soo baxdaanoo aad joojisaan dagaalka halkaasi ka socda, dhinacaan annaguna waan ka dhaqaaqaynaa, sidoo kalena waan joojinaynaa waxyaabaha ay dadka reer miyiga isku haystaan.” Ayuu yiri Ayuu yiri Wasiir Gaboobe.

Gaboobe ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Koley waxa maanta lagu dagaalamayo xaq maahanee Ilaahay dadka xaqa ha tuso, oo ha u midoobaan cadowga ka shaqeynaya in uu isku diro dadka walaalaha ah ee wada degan, hana laga feejignaado farriimaha cadowga iyo waxyaabaha ay sameynayaan, oo ay moodaan inay ku helayaan nafis ama lagu istaajinayo hawlgalada lagu la dagaalamayo argagixisada.”

Dagaalada beelahan ayaa muddo tobanaan sano ah ku soo noqnoqday gobolka, tiiyoo ay ka dhaxleen dib-u-dhac, amni darro iyo in dhiig badani oo dhexdooda ah ay iska daadiyaan.

Dhowrkii sano ee ugu dambeysay beelahan ayaa nabad iyo iskaashi dhinaca horumarka ah ku wada joogay gobolka, ka dib heshiiskii ay sanadkii 2020 ku gaareen Degmada Bandiiradley.

Heshiiskan ayaa muddadii uu jiray waxa uu dadka deegaanka u horseeday amni & xasillooni iyo is bedel dhanka nolosha ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc