Home Wararka Maanta Galmudug oo ciidamo kala dhex dhigtay maleeshiyada isku haya Xananbuure

Galmudug oo ciidamo kala dhex dhigtay maleeshiyada isku haya Xananbuure

by Laacib

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ciidamo kala dhex dhigtay laba maleeshiyo beeleed, oo maalmahaanba isku horfadhiyay deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud.

Maleeshiyadan oo Talaadadii ku dagaalamay deegaankaasi ayaa inta la ogyahay waxaa dagaalkaasi ku dhintay in ka badan shan qof, halka tiro ka badan toban kalena ay ku dhaawacantay.

Maleeshiyadan oo ka soo kala jeeda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayay dhowrkii sano ee ugu dambeysay colaadoodu ku soo noqnoqotay deegaanka. Colaadooda ayaana salka ku haysa cidda ka arrimineysa deegaanka.

Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda Galmudug ayaa maanta si buuxdo ula wareegay amniga deegaankaasi Xananbuure.

Saraakiisha Ciidamada ayaa soo saaray awaamiir ay ku sheegayaan inaanan wax hub ahi lagu dhex qaadan karin deegaankaasi, marka laga soo taggo ciidanka ka shaqeynaya arrimaha nabadgelyada.

Xananbuure oo hoostagta Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo waxgarad ka soo kala jeeda labadaasi magaalo, iyaga oo ka shaqeynaya xal u helidda colaadda beelaha.

Isku dhacyada maleeshiyada deegaanka ayaa tusbax go’ay oo kale noqday, tan iyo markii meesha laga saaray Maamulkii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Beelaha ayaa si nabdoon ku wada joogay Xananbuure, muddadii Ahlu Sunna ay ka arrimineysay Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc