Home Wararka Maanta Galmudug oo iclaamisay inay u jiheysatay dagaalka lagu ciribtirayo Shabaab

Galmudug oo iclaamisay inay u jiheysatay dagaalka lagu ciribtirayo Shabaab

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisu uu u jiheysatay, sidii maleeshiyada Al Shabaab looga ciribtiri lahaa dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maamulku uu hadda si ku-meel-gaar ah u joojiyay adeegyadii uu bulshada u hayay, sababo ku aaddan maamulka oo xooggiisa oo dhan isugu gaynaya, sidii mintidiinta looga sifeyn lahaa deegaanada Galmudug.

“Waxaan farnay dhammaan hay’adaha dowladda oo xukuumaddu ugu horreyso in howlmaalmeedka muddo kooban si ku-meel-gaar ah loo joojiyo, dhammaana laga qaybgalo dagaalka oo la garab istaago ciidamada iyo shacabka soo gurmaday.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo xalay Magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgalay munaasabadda 17 sano guurada ka soo wareegatay aasaaska Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in la xoreeyo dhulka Galmudug.

“Laga bilaabo caawa si rasmi ah waxaan u sheegaynaa hay’adaha dowladda howshoodii in si kmg ah aan u hakinay, inta laga sifeynayo Khawaarijta dalka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa xusay inay magacaabeen Guddi Wasiiro ah, oo loo xilsaaray abaabulka dagaalka, taakuleynta ciidamada, xasillinta dhulka laga saaro Shabaabka iyo inay sii wadaan howlaha degdegga ah ee maamulka, ee aan laga maarmi karin.

“Waxaan qabanay guddi arrimaha degdegga ah, abaabulka, taakuleynta iyo xasillinta deegaanada la xoreyn doono ka hawlgala, oo ka kooban Golaha Wasiirada. Guddigaasi waxaan u magacawnay inay gacanta ku sii hayaan howlaha degdegga ah ee aan laga maarmeyn.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa diyaargarow iyo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Ciidamada ayay tahay in maalmaha soo socda ay kooxaha argagixisada ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo toddobaadkii labaad ku sugan Galmudug ayaa waxaa muuqata in reer Galmudug ay si weyn ugu diyaargaroobeen dagaalkan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc