Home Wararka Maanta Galmudug oo soo saartay awaamiir culus

Galmudug oo soo saartay awaamiir culus

by Laacib

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay awaamiir la xiriirta hawlgalka militari, ee ay ciidamadu ka wadaan deegaanada maamulkaasi.

Awaamiirta ayaa ah mid dadka deegaanka lagu farayo inaanay wax dhaqaale ah siin karin maleeshiyada Al Shabaab, kuwooda dagaalka ka maqana ay tahay inay xoojiyaan safka Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ee u taagan dalka xoreyntiisa.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in dalku uu ka socdo dagaal loogu mideysan, sidii xididada loogu siibi lahaa kooxaha argagixisada, ciddii ka hartana ay ula mid tahay cadowga.

“Qofkii cadowga dhaqaale ku bixiya, cadowguu ka mid yahay, xoolihiisuna waa waras, ciidanka ayayna u bannaan tahay inay qaataan, sababtoo ah wiilka u dhimanaya iyo xoolaha, wiilka ayaa qaalisan. Marka hadduu yiraahdo xoolahayga ayaa difaacanaya, oo dadka kalena inay dhintaan uu ka raali noqo, cadowga ayuu ka mid yahay.” Ayuu yiri Wasiirka.

“Waxaan la ogolayn in la siiyo lacagta ay baadda ku qaataan, waxaan la ogolayn in ciidanka lagu daawado dagaalka oo la yiraahdo waan baqaynaa, baqitaan wax la yiraahdo ma jiro.” Ayuu sii raaciyay Wasiirku.

Waxa uu sheegay in dalku uu go’aansaday dagaalkan la isaga dulqaadayo cadowga, dadkuna ay noqon doonaan kuwo dalka xoreynayo iyo kuwo kale oo la duuban argagixisada.

“Dagaalkan waa la galay, dadkuna laba mid bay noqonayaan cadow iyo dad xoreynaya dalka, labadaas midkood uun bay noqonaysaa, wixii u dhaxeeyo waa cadow kalkaal oo cadowguu ka mid yahay. Marka cid laga yeelayo in ay tiraahdo meeshaanaa fadhinaya ama anigu dhexdhexaad baan ka ahay oo dagaalka ka qayb qaadan mayo, laga yeeli mayo, cid xoolaheeda bixineysa oo la daawanayana, haba yaraatee ma ay jirto.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa ciidamada faray in ay xiraan dhammaan waddooyina aada goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada Shabaabka, isagoona iclaamiyay inaanay jiri karin cid u gudbi karta deegaanadaasi, gaarigii la arka inuu u socdana ay ciidamadu amar u qabaan inay gubaan.

“Saacaddan laga bilaabo dhammaan Ciidamada Qalabka Sida waxaa la faraya in waddooyinka iyo jidadka aada cadowga xagiisa, hal gaari oo aadi karo ma jirto, xitaa haddii uu faaruq yahay, ma aadi karo, iska dhaaf inuu wax saaran yahay. Gaarigii la arko inuu dhinaca cadowga u socdo, meeshiisa ha lagu gubo, kii laga qaadan karana ha laga qaato. Wax u gudbi kara cadowga ma jirto, cunno ayaan u gudbi karin, shacab u socon karaana aanu jiri karin, qofkii halkaas aado Shabaab ayuu ka mid yahay, qofkii dhinaca Shabaab aado, Shabaabuu ka mid yahay, Shabaab ahaan baana ula xisaabtamaynaa.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Aadan, Wasiirka Amniga Galmudug.

Wasiirka oo gelinkii dambe ee Talaadadii ka hadlayay deegaanka Cammaara ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in Shabaab uu maanta ku socdo dhiigbax, cid laga yeelaya inay naas-nuujin u noqotana aanay jiri doonin.

Wasiir Gaboobe ayaa dadka reer Galmudug faray in ay garab istaaggaan ciidamada, si maalmaha dhow ay u xoreeyaan dhulka maqan.

“Qof kasta waxaa laga rabaa inuu u diyaargaroobo in la xoreeyo deegaanada dhiman. Caad baan tagaynaa, Mudug oo dhan baan dhameystiraynaa, Galgaduud baana u gudbaynaa. Dhammaan dadku waa inay ka qayb qaataan jihaadkaas, naf iyo maalba waa in looga qayb qaataa, kii awal xoolihiisa zakaawaat ahaan u siin jiray Shabaab, maanta haku bixiyo ciidamada xaq u dirirka ah, ciidamada xoreynta waa inuu siiyaa xoolihiisa.” Ayuu yiri Wasiir Gaboobe.

Wasiir Gaboobe ayaa intaasi ku daray “Wax la yiraahdo waan fadhisanaya ma ay jirto, Saraakiishii qoreysay ciidamada waa joogaan, qof kasta waa inuu is diiwaangeliya, qof kasta waa inuu qorigiisa soo qaataa, kii aan qori haysan waa inuu keennaa xooggiisa, waa inuu dhaawaca wax ka qaadaa, waa inuu ciidanka biyaha ka daba qaadaa, dhammaan waa in la wada socdaa.”

Awaamiirtan ayaa loo arkaa mid culeyska ku kordhineysa Shabaabka, oo haatan uu guluf ballaaran kaga furan yahay Gobolada Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeysay Shabaab ka saaray inta badan dhulkii ay ka haysteen Koonfurta Gobolka Mudug.

Shabaabka hubeysan ayaa muddo dheer caqabad ku ahaa amniga iyo xasilloonida dalka, waxayna dad badani qabaan in xilligoodii xumaa uu hadda u bilowday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc