Home Wararka Maanta Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

by Laacib

Ganacsadahan ayaa xalay lagu dhex dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa duleedka Magaalada Port Elizabeth ee dalkaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda dishay muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay dileen kooxo burcad ahaa, halka warar kalena ay sheegayaan in uu ku geeriyooday is rasaaseyn dhex martay ciidan dharcad ahaa oo doonayay in ay hub ka baaraan goobtiisa ganacsi, ha yeeshee uu ka shakiyay. Waxaa la sheegaya in marxuumku uu haystay qori u sharciyeysnaa.

Is rasaaseyntan ayaa la sheegay in sidoo kale uu ku dhaawacmay askari ka mid ah ciidankii dharcadka ee doonayay in goobtaasi baaraan.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Deeq Madar Carab ayaa ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee degan dalkaasi.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa muddo dheer kooxaha burcadda kala kulmayay dil, dhaawac iyo boob ay kula kacaan goobahooda ganacsi.

Dalkan ayaa lagu tilmaamaa dalka ugu horreya qaaradda ee sida joogtada ah loogu dhibaateeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoona aanay badankood helin wax caddaalad ah, tani oo loo aaneeyo Ciidamada Booliska oo aan juhdi badan ku bixin, sidii ay sharciga u horkeeni lahaayeen dembiileyaasha.

Dowladihii kala dambeeyay ee dalka ayaa lagu dhaliilaa in ay ka gaabiyeen doorkoodii diblomaasiyadeed ee ay wax kaga qaban kari lahaayeen dilalkaasi, waana xilli Somaliya ay Safaarad ku leedahay Magaalada Pretoria.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc