Home Wararka Caalamka Gargaarka oo markii ugu horreysay Gaza uga imaanaya dhanka Israel

Gargaarka oo markii ugu horreysay Gaza uga imaanaya dhanka Israel

by Laacib

Gargaarka bani’aadantinimo ayaa markii ugu horreysay si toos ah Marinka Gaza uga soo gelaya dhanka Israel, ka dib bishii 3aad oo Israel ay weeraro ka waddo Gaza.

Gargaarka oo dhinaca dhulka lagu gaarsiinayo Gaza ayaa ka soo gudbaya barta kontorool ee Kerem Shalom ee Israel maamusho. Isgoyska Kerem Shalom ayaa xirnaa, tan iyo 7-dii bishii October, markaas oo Xamaas ay weerar culus ku ekeysay Israel.

Markii ugu horreysay gaadiid gargaar sida ayaa maalin ka hor ka soo tallaabaday Isgoyska Kerem Shalom, ee u dhaxeeya Israel iyo Gaza.

Saraakiisha ayaa sheegaya in tallaabadan lagu laba jibaarayo kaalmada bani’aadantinimo ee la geenayo Gaza, si loo kordhiyo cuntada iyo dawada ee la gaarsiinayo dhulkaasi go’doonsan.

Iyadoo Israel ay ballaarisay duqaymaheeda Gaza, xaaladda bani’aadantinimo ee magaalada la go’doomiyay ayaa aad uga sii dartay, iyadoona Qaramada Midoobey iyo hay’adaha caalamiga ah ay ka diggeen cunto yari daran, sahayda dawada ee magaalada ka dhammaatay iyo biyo la’aanta halkaasi ka jirta.

Kerem Shalom oo ku taal xuduudda Masar, Gaza iyo Israel waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay maraan badeecadaha soo gala iyo kuwa ka baxa dhulka Falastiiniyiinta.

Tan iyo markii colaadda ay dib uga soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Israel, gargaarka la geeyo Gaza ayaa laga keeni jiray dhanka xadka Rafah ee Gaza iyo Masar.

Mareykanka ayaa Israel ku cadaadiyay in ay ogolaato in gargaarka Qaramada Midoobey ay ka gudbaan Isgoyska Kerem Shalom.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in baabuurta xamuulka ee Qaramada Midoobey ay si toos ah u tagi doonaan Gaza, marka ay maraan hubin amni.

Israel ayaa horey u aqbashay in gawaarida xamuulka ah lagu baaro Kerem Shalom, inkastoo mar dambe lagu khasbay in ay ku laabtaan Rafah, si ay Gaza uga soo galaan dhanka Masar. Hay’adaha Qaramada Midoobey ee arrimaha samafalka ayaana ku baaqayay in si toos ah loo ogolaado.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in furitaankan uu ogolanayo in Israel ay sii waddo ballanqaadkii ahaa in 200 oo baabuur gargaar ah ay maalintii ka gudbaan halkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc