Home Wararka Caalamka Gaza oo martigelisay maalin kale oo weerar lagu hoobtay

Gaza oo martigelisay maalin kale oo weerar lagu hoobtay

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa sii wada weerarada xagga cirka ee Marinka Gaza, oo ay si aad ahi ugu la’anayaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa gelinkii dambe ee Axaddii sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay duqaymaha Israel ku dhinteen in ka badan 178 qof, waana mid ka mid ah maalmihii ugu dhimashada badnaa, muddada ay Israel weerarada ka waddo dhulka go’doonsan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tani ay tirada guud ee dadka rayidka ah ee Gaza lagu dilay, tan iyo markii ay colaadda bilaabatay ay ka dhigeyso 25,105 qof, halka tirada dhaawacana ay ku sheegtay in ka badan 62,681 qof.

Israel ayaa bilowday weeraradeeda Gaza, ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Xamaas ayaa weerarkeedaasi ku sheegtay tallaabo lagama maarmaan ah, si looga jawaabo haysashada Israel ee ay muddada dheer haysato dhulka Falastiiniyiinta.

Dunida ayaa ka walaacsan gacanta adag ee ay Israel ku wajaheyso dadka reer Gaza, marka aad eegto beegsashadeeda dadka rayidka ah, burburinta kaabeyaasha rayidka & goobaha la degan yahay, ku dhawaad laba milyan oo qof oo guryahooda laga barakaciyay iyo inay Gaza ka jartay adeegyadii biyaha, korontada iyo shidaalka, welina ay hortaagan tahay in shacabka la gaarsiiyo raashiinka iyo sahayda dawada ah ee ay u baahan yihiin.

Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ayaa ciqaab wadareedka dadka rayidka ah ku sheegay dembi dagaal.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc