Home Wararka Caalamka Gaza oo noqotay goob dhimasho oo quus ah

Gaza oo noqotay goob dhimasho oo quus ah

by Laacib

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa faah faahisay khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya weerarada sii kordhaya ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay duqaymaha baahsan ee Israel ku dhinteen 162 qof, 296 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda ayaa bayaan ku sheegtay in tan iyo markii ay colaadda bilaabatay ay Israel Gaza ku dishay 22,600 oo qof, halka 57,910 kalena ay dhaawacday.

Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadanimada, Martin Griffiths ayaa mar kale cambaareeyay weerarada joogtada ah ee Ciidamada Israel, kuwaa oo carqaladeeyay gurmadkii bani’aadantinimo ee naf badbaadinta.

Waxa uu sheegay in tan iyo markii ay Israel bilowday hawlgaladeeda ay Gaza noqotay goob dhimasho, wax rajo ahna aysan ka jirin.

“Saddex bilood laga soo bilaabo weeraradii foosha xumaa ee 7-dii October, Gaza waxa ay noqotay meel dhimasho iyo quus ah.” Ayuu yiri Martin Griffiths.

Griffiths ayaa sheegay in dadka reer Gaza ay wajahayaan heerarkii ugu sarreyay ee cunto yarida ebid la diiwaangeliyo, macluushana ay geesaha ka xigto.

Griffiths ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dadku ay dhibane u noqdeen khatarta maalinlaha ah ee jiritaankooda, iyadoo buu yiri ay dunida daawaneyso.

“Dagaalkani weligiis ma ahayn inuu bilowdo, laakiin waxaa la dhaafay waqtigii uu dhammaan lahaa.” Ayuu yiri Griffiths.

Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii ku dhawaaqay in sababo bani’aadantinimo awgeed ay muddo kooban hakinayeen hawlgalada militari ay ka wadaan xaafadda Tel al-Sultan ee ka tirsan Rafah.

“Laga bilaabo 10-ka subaxnimo, illaa 2-da duhurnimo ee waqtiga maxaliga ah, waxaan joojinaynaa hawlgaladeenna militari, si loo fududeeyo saadka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Militariga Israel.

Warkoodan ayaa imaanaya, iyadoo ay duqaymuhu ka sii socdaan marinadii bani’aadantinimo ee ay dhawaan shaaciyeen in ay adeegsan karaan hay’adaha ku howlan howlaha gurmadka iyo gargaar qaybinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc