Home Wararka Maanta General Caanood “Ciidanka Xoogga Dalka maanta ayuu ugu xoog badan yahay”

General Caanood “Ciidanka Xoogga Dalka maanta ayuu ugu xoog badan yahay”

by Laacib

General Cabdullaahi Cali Caanood, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka uu maanta ugu xoog badan yahay soddonkii sano ee la soo dhaafay, isla-markaana ay diyaar u yihiin in dalka ay ka ciribtiraan kooxaha argagixisada.

“Waxaan rabaa Al Shabaab iyo shacabka Soomaaliyeedba inaan u sheego, laga soo bilaabo burburka Dowladdii Miitariga wixii ka dambeeyay maanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa markii uu ugu xoog badnaa weeye.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka oo xalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa yiri “Waxaan yeelanay ciidan cir iyo ciidan dhul oo xoog leh, waxaa socdo diyaaradihii Ciidanka Cirka oo dhallinyaro Soomaali waddo, oo sahminaysa oo duqeynaysa cadowga. Waxaa jira Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhulka oo si fiican u faltamayo, oo tiro badan, gaadiid badan oo hub badan oo casri ah wanaagsan wata.”

Waxa kaloo uu yiri “Sidaas darteed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhammaantood waxay go’aansadeen maanta in dalka laga xoreeyo Al Shabaab. Al Shabaab xoreynta laga xoreynayo wuxuu isugu tagayaa saddex meelood, maaha magaalo in laga xoreeyo, maaha Ceelbuur iyo Galhareeri keliya, dalka oo dhan baa laga xoreynaya, lagana hari mayo marka laga xoreeyo, intuu hawd taggo iska soo abaabuli maayo, waa la daba gelayaa, hawlgalkuna waa soconaya, waa la eryanaya, waa la qabanaya, waa la xirxiraya, waana la dilaya, waxaana badbaadayo oo keliya midka ciidanka isu soo dhiiba, ninkaasi waa la soo dhaweynaya.”

Waxa uu sheegay in horjoogeyaasha Al Shabaab ay u furan tahay in ay isa soo dhiibaan, oo dalka dib-u-dhiskiisa ay ka qayb qaataan iyo inay dhintaan amaba ay xabsi ku dambeeyaan.

“Nimanka shacabka Soomaaliyeed dhibaatada, magriga iyo dhagarta badan u gaystay ee amiirada ah, maanta saddex baa idiin la gudboon, inaad badbaadaan oo Ilaahay u towbad keentaan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeedna aad cafis weydiisataan, oo Soomaali qaranimadeeda & dib-u-dhiskeeda aad ka qaybgashaan iyo inaad dhimataan ama aad xabsi aaddaan, labadaasaa mid idiin bannaan.” Ayuu yiri General Caanood.

General Caanood ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Waqtigii hore ee meel heblaa laga qabtay, ciidanka difaac buu galay, ma jirto maanta, gulufku dalka oo dhan waa ka socdaa. Ciidanku waa xoog badan yahay, hawada waxaan haysanaa ciidan xoog badan, dhaqaalena waan u haysanaa hawlgalka, waxaana idiin bannaan inaad isa soo dhiibtaan.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc