Home Wararka Maanta General Caanood oo ka hadlay duqaynta Kenya ka gaysaneyso Gobolka Gedo

General Caanood oo ka hadlay duqaynta Kenya ka gaysaneyso Gobolka Gedo

by Laacib

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, General Cabdullaahi Cali Caanood oo si kooban uga hadlay duqaymaha ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka wadaan Gobolka Gedo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay baareyso wararka sheegaya in dad rayid ahi ay ku dhinteen duqayntaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in deegaanada ay duqayntu ka socoto, sida Ceelcadde iyo Ceelgaduud ay ku xoogan yihiin maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana aanay ka ag-dhaweyn Ciidanka Xoogga Dalka.

“Deegaanka Ceelcadde iyo Ceelgaduud ee Gobolka Gedo waxaa ku xoogan oo jooga Al Shabaab, ciidankana deegaanadaas kama dhawa. Ciidanka ugu dhow waa midka jooga Garbahaarey, Baardheere iyo Ceelwaaq inta u dhaxeyso, meesha ugu dhow baana waxay u jirtaa 60km illaa 70km.” Ayuu yiri Afhayeenka oo BBC la hadlay.

General Caanood ayaa yiri “Duqayntaas iyo arrimahaas aanu maqalnay Dowladda Dhexe ayaa howshaas daba-gashay, iyadaana wixii jawaab ah ka bixin doonto Insha’Allah.”

Deegaanka Ceelcadde oo 60km u jira Magaalada Garbahaarey ayaa ah goobta ugu badan ee ay duqaymaha ka gaysanayaan Ciidanka Cirka Kenya. Dad rayid ah ayaa ku dhintay, kuna dhaawacmay duqaymihii ugu dambeeyay ay Kenyanku ka gaysteen deegaankaasi, waxaana jira guryo ay rayid degan yihiin oo sidoo kale duqaymahaasi ku burburay.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa si kulul Kenya ugu eedeeyay inay bartilmaameedsaneyso goobaha rayidka.

Wasiirka Difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa Sabtidii sheegay in Kenya ay Shabaabka kula dagaalami doonto gudaha Somaliya, haddii ay ka soo abaabulayaan sida uu sheegay weerarada ay ka gaysanayaan dalka Kenya.

Militariga Kenya ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay kordhiyay weerarada dhinaca cirka ee ay intii muddo ahba ka wadeen deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc