Home Wararka Maanta General Cabaas Ibraahim Gurey oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Gedo

General Cabaas Ibraahim Gurey oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Gedo

by Laacib

General Cabaas Ibraahim Gurey ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Gedo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo magacaabay Taliyaha cusub.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu garwaaqsaday muhiimadda ay leedahay in dib-u-dhis lagu sameeyo Ciidanka Daraawiishta Qaybta Gobolka Gedo.

Tani ayaa imaanaysa maalin uun ka dib weerarkii maleeshiyada Al Shabaab ay ka gaysteen Xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo.

Ciidamada degan Xerada Gariley ayaa u badan kuwo ka amar-qaata General Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa 29-kii bishii June sheegay in xeraadaasi ay ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Militariga Kenya ee ka tirsan ATMIS ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa xeradaasi, iyagoona qayb ka noqday qorshaha uu Hawlgalka ATMIS ku yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc