Home Wararka Maanta General Cirro oo kormeeray saldhigyada ciidamada ee Wisil iyo Baxdo (SAWIRRO)

General Cirro oo kormeeray saldhigyada ciidamada ee Wisil iyo Baxdo (SAWIRRO)

by Laacib

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo Galmudug u jooga dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ayaa Jimcihii kormeeray Xeryaha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Degmooyinka Baxdo iyo Wisil ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka oo ay wehliyaan Taliyaha cusub ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Cabdi Salaad Shuuriye iyo Taliyihii hore ee Qaybta 21aad, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) ayaa ciidamada ugu tegay, sidii ay ula wadaagi lahaayeen in saacadaha soo socdo uu bilaabanayo hawlgalkii ballaarnaa ee in muddo ahba la qorsheynayay.

Saraakiisha Militariga ayaa ciidamada ku booriyay in ay kaalin weyn ka qaataan dagaalkan maleeshiyada Shabaabka lagaga saarayo deegaanada Galmudug iyo guud ahaanba dalka.

Wisil iyo Baxdo ayaa maalmihii ugu dambeysay lagu diyaarinayay Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka ee lagu wado in hawlgalka ka qayb qaataan.

Ciidamada ayaa laga bilaabo maanta qaadi doona guluf dhowr weji leh, oo maleeshiyada Al Shabaab looga sifeynayo Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.

Gulufka ugu ballaaran ee ay ciidamada ku wajahayaan Shabaab ayaa ah kan lagu xoreynayo Magaalada Ceelbuur iyo wixii kale ee soo raaca, sida Galhareeri, Cowsweyne, Wabxo, Dac iyo Ceelgaras.

Hawlgalkan ka bilaabanaya Galmudug ayaa bilow u ah qorshaha maleeshiyada Al Shabaab looga saarayo bartamaha iyo koonfurta dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc