Home Wararka Maanta G/sare Faarax Kooshin oo gaaray deegaano ay ku dagaalameen Shabaab iyo Macawiisley (SAWIRRO)

G/sare Faarax Kooshin oo gaaray deegaano ay ku dagaalameen Shabaab iyo Macawiisley (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha cusub ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa gaaray deegaanada Waabweyn iyo Xalaaley ee Gobolka Hiiraan.

Xalaaley iyo Waabweyn oo hoostagga Degmada Halgan ayaa waxaa Axaddii shalay ku dagaalamay xoogaga deegaanka ee Macawiisley iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay weerar xoogan ku ekeeyeen fariisimaha Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanadaasi. .

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Macawiisleyda ay jilbaha u laabteen weerarkaasi, isla-markaana ay dagaalka dib kaga biireen Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo ugu dambayn keentay in dib loo riixo Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Deegaanadan lagu dagaalamay ayaa ka mid ah goobaha ay Macawiisleydu ka ilaaliyaan waddada laamiga ee xiririisa Beledweyne iyo Halgan, oo Shabaabka ay muddo billo ahi ka hortaagnaayeen inaanay jarin isu socodka labadaasi magaalo.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ciidamada ku ammaanay in ay ka hortaggeen isku day uu sheegay in Shabaabku ay ku doonayeen in si dhuumaaleysi ah ku soo weeraraan deegaanadaasi.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay ciidamada iyo dadka deegaanka in ay u diyaargaroobaan dagaal ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka, bedelkii ay sugi lahaayeen inta xeryahooda lagu soo weerarayo.

Gudoomiye Sufurow ayaa sheegay, maadaama uu dalka ka bilaabanayo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka maleeshiyadaasi ay tahay in ciidamadu iyo dadka deegaanka ay isku diyaariyaan, sidii loo wajihi lahaa waxa uu ku sheegay argagixisada naf la caariga ah.

Weerarku waxa uu imaanaya, iyadoo maalmihii ugu dambeysay ay ciidamadu dhaqdhaqaaq ciidan ka wadeen deegaanada dhaca dhanka bari ee gobolka, gaar ahaan agagaarka hareeraha webiga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc