Home Wararka Maanta General Firin oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Muqdisho (SAWIRRO)

General Firin oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa maanta shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Magaalada Muqdisho, oo ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska ee Commando Polizio.

Taliyaha ayaa masuuliyiinta laamaha amniga iyo Saraakiisha Ciidanka Xasillinta ee Hawlgalka Ciiltire kala hadlay, sidii amniga caasimadda gacan bir ah loogu qaban lahaa maalmaha ciidda iyo toddobaadka xorriyadda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa warbixino looga dhageystay Saraakiisha Hawlgalka Ciiltire, oo ka kooban Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare.

General Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa madaxda laamaha amniga ka dalbaday inay diiradda saaraan sugidda amniga ee magaalada, si shacabka ay si nabad ah ugu damaashaadaan, isuguna hambalyeeyaan maalmaha Ciidul Adxa iyo weliba xorriyadda.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo masuuliyiin kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc