Home Wararka Maanta General Firin oo shir isugu yeeray Saraakiisha Ciidanka Xasillinta Muqdisho (SAWIRRO)

General Firin oo shir isugu yeeray Saraakiisha Ciidanka Xasillinta Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

General Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shir isugu yeeray Saraakiisha Ciidanka Xasillinta Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa ahaa mid ay Saraakiishu ku kala war qaadanayeen, si guud mar loogu sameeyay waxa uga hirgeliyay qorshaha ay ku sugayaan amniga magaalada iyo tallaabooyinka xigga ee ay tahay in ay qaadaan.

Shirka ayaa waxaa warbixin amniga la xiriirta looga dhageystay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin, iyadoona uu goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Shirka ayaa intii uu socday waxa ay Saraakiishu isaga wareysteen hubkii faraha badnaa, ee ay Khamiistii ciidamada ku qabteen Degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan, hubkaas oo ahaa mid ay leedahay Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay ciidamada iska kaashanaya Hawlgalka Ciiltire ee lagu xoojinayo amniga magaalada.

Hawlgalkan ayaa ah mid lagu la dagaalamayo Amniyaadka Shabaabka, kooxaha burcadda/ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada maandooriyaha.

Laamaha amniga ayaa bishii Ramadan nabadgelyada magaalada ku wareejiyay ciidamo isku dhaf ah, oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare.

Ammaanka Caasimadda Muqdisho ayaad mooddaa in uu ka soo reynayo, tan iyo markii amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamadaasi isku dhafka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc