Home Wararka Maanta General Ibraahim Sheekh Muxudiin oo loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka

General Ibraahim Sheekh Muxudiin oo loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka

by Laacib

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa maanta General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha cusub ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabtay ciidamada, sida isagoo soo noqday Taliyaha Guutada 60aad ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada.

Taliyaha ayaa bedelaya General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka.

General Odawaa ayaa xilka soo hayay, tan iyo bishii August ee sanadkii 2019, isagoona noqonaya Taliyihii ugu muddada dheeraa ee soo mara Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, tan iyo dib-u-yegleeliddii Dowladnimada Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc