Home Wararka Maanta General Laba Afle “Annaga iyo Shabaab waan kulmi doonnaa, wixii na kala gaaraa leenahay”

General Laba Afle “Annaga iyo Shabaab waan kulmi doonnaa, wixii na kala gaaraa leenahay”

by Laacib

Taliyaha Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) ayaa ku goodiyay in ay mintidiinta Al Shabaab ka ciribtiri doonaan deegaanada Galmudug.

Taliyaha ayaa sheegaya in ay u soo qalab qaataan, sidii maleeshiyadaasi lagaga sifeyn lahaa deegaanada ay kaga harsan yihiin Bariga Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa horkacaya ciidamadii Arbacadii la wareegay deegaanada Ceel La-helay, haddana ku sugan deegaanka Bulacle, oo ku yaala waddada xiriirisa Magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay jiidda hore ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay in ay xididada u siibaan kooxaha argagixisada.

“Ujeedkeenu waxaa weeye in aan cadowga Khawaarijta ah la dirirno.” Ayuu yiri Taliyaha Guutada 6aad oo Sabtidii gaaray Galmudug.

Waxa kaloo uu yiri “Ciidanka aad arkaysaan, muuqaalkooduna idiin muuqdo iyo Saraakiil aad u carbisan ayaan ku soo ambabaxnay, waxaana diyaar u nahay inaan difaaca dalka si adag oo dadnimo ay ku jirto uga qayb qaadano.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Wixii Khawaarij ah, hadde annagana waan isku maqanahay, ha ogaadeen waan u soo ambabaxnay.”

General Laba Afle ayaa sheegay in iyaga iyo Shabaab ay leeyihiin wixii uu Alle kala siiyo, mar dhowna ay foodda is dari doonaan.

“Annaga iyo Khawaarij wixii Alle na kala siiyo ayaan leenahay. Annaga iyo nimanka aagga iga horreyo ku jira waan kulmi doonnaa Insha’Allah, wax Alle na kala siiyaba.” Ayuu yiri General Laba Afle.

Jananka ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Waxaa inta jecel difaaca dalka u sheegaya inaan diyaar u nahay dalka difaaciisa, qalbiga ku dejiya, taasna ogaada, cadowguna haka naxo ama yaanu ka nixinee, waan isku maqanahay.”

Jananka ayaa hadda ciidamadiisa ku jiheynaya deegaanka istiraatiijiga a ee Ceelgaras, si loo kala jaro gurmadka Shabaabka min Ceelbuur, aagga Qaayib illaa Xiindheere.

General Laba Afle ayaa ciidamada dejinaya barro cayiman, si looga hortaggo in ciidamada la daba maro, meeshana looga saaro weerarada jid-galka ah iyo inaanan la go’doomin dhulka la xoreeyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc