Home Wararka Maanta General Laba Afle oo hoggaaminaya ciidamada jihada bari kaga sii socda Ceelbuur (SAWIRRO)

General Laba Afle oo hoggaaminaya ciidamada jihada bari kaga sii socda Ceelbuur (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) ayaa hoggaaminaya ciidamada jihada bari kaga sii siqaaya Magaalada Ceelbuur.

Taliyaha oo Sabtidii gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa loo wakiishay in uu wax ka hoggaamiyo qorshaha dagaal ee mar kale lagu xoreynayo magaaladaasi.

Ciidamada ayaa Arbacadii la wareegay deegaanka Ceel La-helay, oo ah marinka ugu weyn ee isku xira Magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Ciidamada ayaa halkaasi uga sii gudbay aagga deegaanka Bulacle oo xalay ay ku hoydeen. Masuuliyiin uu ka mid yahay Duqa Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow) ayaa ciidamada ku wehlinaya hawlgalka.

Ciidamada ayaa lagu wadaa in ay la wareegaan deegaanka Ceelgaras, oo Shabaabku ay ku leeyihiin difaacooda bari ee Magaalada Ceelbuur. Qabsashada Ceelgaras ayaa kala jari doonto gurmadkii Shabaab ee Ceelbuur, aagga Qaayib iyo Xiindheere.

Hawlgalka socda ayaa ah mid ay ciidamadu isugu furayaan waddooyinka, kuna xaqiijinayaan amniga tuulooyinka iyo deegaanada hoostagga Magaalada Ceelbuur.

Ciidamadu ma qaban doonaan Ceelbuur, iyadoo aan Shabaabka laga sifeyn inta u dhaxeyso deegaanada iyo tuulooyinka, iyadoona laga foganayo caqabad amni darro oo mustaqbalka ah.

General Laba Afle ayaa ciidamada dejinaya barro cayiman, si looga hortaggo in ciidamada la daba maro, meeshana looga saaro weerarada jid-galka ah iyo inaanan la go’doomin dhulka la xoreynayo.

Qorshaha dagaalka ayaa ah in xiddada loo siibo Shabaabka Gobolada Dhexe, si ay fure ugu noqoto hawlgalka kale ee dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc