Home Wararka Maanta General Laba Afle oo ku biiray hawlgalka militari ee Galmudug

General Laba Afle oo ku biiray hawlgalka militari ee Galmudug

by Laacib

Taliyaha Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Taliyaha iyo Saraakiisha la socoto ayaa la doonaya in ay ka qayb qaataan hawlgalka militari ee maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo Bariga Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu Saraakiishaasi faray in ay ka soo wareegaan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxna ka hoggaamiyaan dagaalka ka dhanka ah Shabaabka ka hawlgala bartamaha dalka.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo hadda u muuqdo mid loo madaxbannaaneeyay hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ayaa isku dayaya in mar kale uu ciidamadu abaabulo, dibna ay u bilaabaan gulufka dalka looga ciribtirayo maleeshiyada Shabaabka.

General Laba Alfe ayaa loo arkaa mid sidoo kale xiriir la leh Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee saldhigoodu yahay deegaanka Bohol, oo qiyaastii 25km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb, inkastoo ay mar is qabteen bishii November ee sanadkii 2021.

Dhuusamareeb ayaa ah xudunta barta laga hoggaaminayo istiraatiijiyadda dagaal ee Shabaabka looga kicinayo Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc