Home Wararka Maanta General Maalin oo gaaray Gobolka Mudug, si hawlgalka wax uga hoggaamiyo

General Maalin oo gaaray Gobolka Mudug, si hawlgalka wax uga hoggaamiyo

by Laacib

General Axmed Xasan Maalin oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa Talaadadii gaaray Degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobolka Mudug.

General Axmed Xasan Maalin iyo ciidan uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tegay degmadaasi.

Jananka ayaa isla shalay galab kormeeray barraha ay ciidamadu ku leeyihiin degmadaasi, iyadoona lagu wado in wax ka hoggaamiyo hawlgalka ay ciidamadu ku xoreynayaan deegaanada ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalkan iyo Saraakiil kaleba ay sidoo kale ciidamada kala shaqayn doonaan barnaamijka lagu xasillinayo deegaanada laga saaro maleeshiyadaasi.

General Maalin oo horey u soo noqday Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa bishii January ka mid noqday Saraakiil gaar ah, oo Dowladda Federaalka ay u xilsaartay inay la yimaadeen qorshihii lagu xasillin lahaa Xarardheere iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow, ka dib markii ciidamadu ay degmadaasi 16-kii bishaasi ka saareen maleeshiyada Shabaabka. Xarardheere ayaa xilligaasi ahayd xaruntii Shabaabka Gobolada Dhexe.

Hadda waxaa soo baxaya warar sheegaya in jananka iyo ciidamadiisa ay ku sii jeedaan deegaanka Jowle oo hoostagga Degmada Xarardheere, muddo dheerna ay Shabaabka ka arriminayeen, halkaas oo la filayo in dhanka Degmada Wisil ay uga sii gudbaan. Jowle ayaana muhiim u ah isu socodka Degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo.

Gobolka ayaa lagu wadaa in uu ka bilowdo dagaalka lagu xoreynayo deegaanada maqan, iyadoona Wisil ay xudun u tahay gulufka Shabaabka looga sifeynayo gobolkaasi.

Ciidan xoog leh oo dhawaan ka ambabaxay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa la filayaa inay ku biiraan hawlgalka ay ciidamada isugu ballaarinayaan gobolkaasi.

Hawlgalkan oo ay tahay in lagu xoreeyo deegaano ay ka mid yihiin Ceel Cabdi, Qaycad (Qeecad), Qodqod, Caad, Cammaara, Dabagalo, Dumaaye, Bacaadweyne iyo Shabellow ayaa waxaa door weyn ku yeelan doona Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa reer Galmudug ku ammaanay in ay hormuud u yihiin dagaalkan uu qorshihiisu yahay in dalka looga ciribtiro kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc