Home Wararka Maanta General Odawaa oo wax ka hoggaaminaya hawlgalka Gobolada Dhexe

General Odawaa oo wax ka hoggaaminaya hawlgalka Gobolada Dhexe

by Laacib

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ku biiray Saraakiisha Ciidamada ee hoggaaminaya hawlgalka militari ee Gobolada Dhexe.

Ka dib wada hadal dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa keentay in Taliyuhu uu ku laabto furimaha dagaalka.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la qorsheeyay in uu hoggaamiyo ciidamada lagu abaabulayo Gobolka Shabellaha Dhexe, ee la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab ka sifeeyaan xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Ciidamada duulaanka ka qaadaya aagga hore ee cirifka labada gobol ayuu qorshuhu yahay in ay socdaan illaa Magaalada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galgaduud.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa hawlgalkan ku wehlinaya Saraakiil sarsare, oo uu ka mid yahay General Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duule), oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogaga deegaanka ayaa la doonaya in jihooyin kala duwan dagaal kaga furaan maleeshiyada Shabaabka.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qorsheynaya in muddo kooban lagu soo afjaro mintidiinta Al Shabaab ee ka hawlgala bartamaha dalka.

Abaabulka iyo diyaargarowga xoogga leh ee ka jira Gobolada Dhexe ayaa kuu muuqaneysa in ciidamadu ay haatan u diyaarsan yihiin dagaal adag, oo ay la galaan kooxaha argagixisada.

Hawlgalka Gobolada Dhexe ayuu dib-u-dhac ku yimid daba-yaaqadii bishii August, ka dib weerarkii xooganaa ay Shabaabku 26-kii bishaasi ka gaysteen deegaanka Cowsweyne, oo sababtay in ciidamadu dib uga soo gurtaan degmooyin iyo deegaano ay kol hore ka saareen maleeshiyadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc