Home Wararka Caalamka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo shir xasaasiya ka yeelanaya colaadda Gaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo shir xasaasiya ka yeelanaya colaadda Gaza

by Laacib

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in saacadaha dambe ee Isniintan ay shir degdeg ah ka yeeshaan xaaladda murugsan ee ka jirta Marinka Gaza.

Dowladda Emirate-ka Carabta ayaa ku baaqday shir degdeg ah oo Dowladaha Bariga Dhexe ay ku doonayaan in goluhu uu cadaadis ku saaro Israel, si wax lagaga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee ka dhalatay weerarada ay halkaasi ku hayso.

Dowladaha gobolka ayaa doonaya go’aan adag oo lagu dalbanayo in Israel ay aqbasho xabad joojin bani’aadantinimo, si gurmadka loo gaarsiiyo dadka rayidka ee u baahan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Emirate-ka Carabta ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay muhiimadda ay leedahay ilaalinta rayidka, sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada & kan dagaalka iyo weliba sida ay lagama maarmaan u tahay in la xaqiijiyo amniga goobaha rayidka, xilliyada colaadaha.

Israel ayaa lagu eedeeyay in ay si cad dhegaha uga fureysanayso baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo joojinta ku xadgudubka shuruucda caalamiga ee bani’aadantinimada.

Hal saac, ka dib markii Israel ay habeenkii Jimcaha ballaarisay gulufkeeda Gaza, shir ay yeesheen Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayay 120 dowladood ku codsadeen in la joojiyo colaadda, iyadoo 55 dal ay ka aamuseen soo jeedintaasi, halka 14 dal ay taageereen hawlgalka Israel.

Inkastoo codeyntaasi ay si aqlabiyad leh u dhacday, haddana Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaan lahayn awood uu ku meelmariyo go’aamo dhaqangal ah, si la mid ah 15-Ka xubnood ee Golaha Ammaanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc