Home Dhacdooyin Golaha Ammaanka ee QM oo 31 sano ka dib qaaday xayiraaddii hubka ee Somaliya

Golaha Ammaanka ee QM oo 31 sano ka dib qaaday xayiraaddii hubka ee Somaliya

by Laacib

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa saacadihii dambe ee Jimcihii cod u qaaday xayiraadda hubka ee muddada dheer saaran Somaliya.

Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay qaadista cunaqabateynta hubka, si Ciidanka Xoogga Dalka ay u helaan hub ay kula dagaalamaan kooxaha argagixisada.

14 ka mid ah Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay in la qaado xayiraadda hubka ee dalka, halka 1 xubina uu ka aamusay.

Golaha Ammaanka ayaa cunaqabateyntaasi ku soo rogay Somaliya sanadkii 1992-kii, xilligaas oo dalku uu ka socday dagaal sokeeye, inkastoo xayiraadda hubka la dabciyay sanadkii 2013, si Ciidamada Qaranka looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaabka, oo loo arkay khatarta ugu weyn ee ka jirta Afrika.

Qaadista xayiraadda hubka ayaa macno weyn u leh Villa Somalia, oo isku dayeysa in ay dalka ka ciribtirto Shabaabka hubeyan ee dagaalka kula jira Dowladda Federaalka.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib ugu soo laabtay xafiiska, dowladdiisa ayaa wadday dadaalo ay taageero ugu raadineyso dagaalkan ay kula jirto kooxaha dagaalka kala soo horjeeda iyo sidii loo qaadi lahaa cunaqabateynta hubka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc