Home Wararka Caalamka Golaha Ammaanka oo cod aqlabiyad leh ku taageeray qaraarkii Mareykanka ee xabad joojinta Gaza

Golaha Ammaanka oo cod aqlabiyad leh ku taageeray qaraarkii Mareykanka ee xabad joojinta Gaza

by Laacib

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay qaraarkii Mareykanka ee xabad xoojinta dagaalka Marinka Gaza.

14 ka mid ah 15-ka dal ee Golaha Ammaanka uu ka kooban yahay ayaa haa ugu codeeyay qaraarka uu soo gudbiyay Mareykanka.

Qaraarka ayaa ku baqaaya in la joojiyo dagaalka Gaza iyo inay Israel & Xamaas is dhaafsadaan maxaabiista.

Qaraarkan ayaa si gaar ah looga dalbanaya Xamaas inay aqbasho hindisaha xabad joojinta iyo inay sii deyso la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu soo qafaashay weerarkii October 7-deedii, iyadoo ku bedelaneysa maxaabiis fara-badan oo Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel.

Shiinaha ayaan qaadin tallaabo uu ku hor istaagayo qaraarkaasi, iyadoo Ruushkuna uu noqday dalka qura ee ka aamusay ansixinta qaraarka.

Linda Thomas-Greenfield, Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Golaha Ammaanka uu farriin cad u diray Xamaas, ayna tahay in ay xabad joojinta aqbasho.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta farriin cad u diray Xamaas. Aqbal heshiiska xabad joojinta la haysteyaasha ee miiska saaran. Israel ayaa horey u aqbashay heshiiskan.” Ayay tiri Linda Thomas-Greenfield.

Waxa kaloo ay tiri “Dagaalka ayaa joogsan kara maanta, la haysteyaashana guryahooda ayay ku soo noqon karaan, haddii Xamaas ay ogolaato heshiiska.”

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa mar sii horreysay saxiixay qaraarka qabyada ah, ka hor inta aan la horkeenin Golaha Ammaanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc