Home Wararka Caalamka Golaha Ammaanka oo habeenkii 2aad ku guuldareystay in codka loo qaado qaraarka xabad joojinta ee Gaza

Golaha Ammaanka oo habeenkii 2aad ku guuldareystay in codka loo qaado qaraarka xabad joojinta ee Gaza

by Laacib

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa mar kale dib u dhigay qaraar qabyo oo lagu dalbanayo in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza.

Qaraarkan oo ay soo diyaarisay Dowladda Emirate-ka Carabta ayaa daarnaa joojinta colaadda, si gargaarka bani’aadantinimo loo gaarsiiyo dhulka go’doonsan.

Codeynta ayaa markii hore la qorsheeyay habeenkii Isniinta, ka hor inta aan dib loogu dhigin habeenkii Talaadada, si loo ogolaado waqti dheeri oo gorgortan ah.

Codeynta ayaa dib loogu dhigay Mareykanka oo aan ku qanacsanayn in la joojiyo dagaalka ay Israel ku dooneyso in ay ku wiiqdo Xoogaga Xamaas.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in illaa goor dambe oo xalay ahayd ay socdeen wada-xaajoodyo xoogan, si xal lagaga gaaro xalinta qabyada ah.

Sababta marka labaad dib loogu dhigay codeynta qaraarka ayaa ah, iyadoo Mareykanku uusan weli ku qancin qaabka loo dhigay qaraarka qabyada ah ee weli ku baaqaya in colaadda la joojiyo.

Diblomaasi aan magaciisa la sheegin ayaa CNN u sheegay in Mareykanka uu weli dib u eegayo qoraalka Talaadadii.

Mareykanka ayaa la sheegay in uu doonayo in soo jeedinta qaraarka qabyada ah lagu saleeyo in la hakiyo colaadda, isla-markaana aan lagu dalban in colaadda la soo afjaro, taas oo hadhow keeni karta in diidmada qayaxan uu kor istaago.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog ayaa sheegay in Tel Aviv ay diyaar u tahay xabad joojin 2aad oo bani’aadantinimo, si gargaarka loo geeyo Marinka Gaza, loona sii daayo buu yiri maxaabiis fara-badan.

Qaraarkan ayaa la filayaa in Xubnaha Golaha Ammaanka ay codka u qaadaan saacadaha dambe ee Arbacadan, mana cadda haddii qaraarka xabad joojinta wax laga bedeli doono iyo haddii sidiisa mar kale lagu horkeeni doono golaha.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa ku warameysa in ay sii socdaan dadaalada lagu doonayo qoraal uusan ka hor imaan doonin Mareykanka.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Talaadadii sheegtay in tirada dadka ee ay Ciidamada Israel dileen ay gaartay 19,667 qof, in ka badan 52,586 kalena ay ku dhaawacmeen duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc