Home Wararka Caalamka Golaha Ammaanka oo ka shiraya colaadda Gaza

Golaha Ammaanka oo ka shiraya colaadda Gaza

by Laacib

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa saacadaha soo socda shir ka leh xaaladda cakiran ee ka jirta Marinka Gaza, dadka rayidka ahna lagu leynayo.

Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa in ay dood ka yeeshaan qaraar ay soo diyaarisay Dowladda Emirate-ka Carabta, kuna baaqaya in la joojiyo colaadda Gaza, si gargaarka bani’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka rayidka ah.

Qaraarkan ayuu qorshuhu ahaa in codka loo qaado xalay, balse dib loogu dhigay markii Mareykanka uu dalbaday in wax laga bedelo habka qoraalka, si aanu hadhow diidmada qayaxan ugu adeegsan.

Wada hadalo ayaa haatan ka socdo Xarunta Qaramada Midoobey, ka hor inta aan codka loo qaadin qaraarkan lagu dalbanayo xabad joojinta.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in xudunta wada hadalka uu yahay qorista luqad Mareykanka ka heli karta codka haa ama ugu yaraan diidmo.

Qaraarka qabyada ah ayaa markii hore waxaa ku jiray baaq ku saabsan in si buuxdo loo soo afjaro colaadda, balse ay diblomaasiyiinta qaar ku taliyeen in loo bedelo mid lagu hakinayo colaadda, si loo helo taageerada Mareykanka.

Mareykanka ayaa kulankii hore ee Golaha Ammaanka diidmada qaxayan ku hor istaagay qaraar ay Qaramada Midoobey ku dalbaneysay xabad joojin degdeg ah oo bani’aadantinimo oo laga hirgeliyo Marinka Gaza.

13 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa taageeray qaraarkaasi, iyadoo Britain ay ka aamustay, halka Mareykankuna uu ka soo horjeestay codeyntaasi. Mareykanka ayaana ka mid ah 5-ta dal ee joogtada ah ee haysta codka Veto-ga.

Mareykanka ayaa gooni ka noqday baaqyada dunida ee lagu soo afjarayo dhibaatada lagu hayo dadka reer Gaza.

Mareykanka oo ku saf ah Israel ayaa ka soo horjeeda in si buuxdo loo soo afjaro colaadda, taas oo ay u arkaan mid uun Xamaas dan ugu jirto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc