Home Wararka Maanta Golaha Ammaanka oo muddada u kordhiyay Ciidanka ATMIS

Golaha Ammaanka oo muddada u kordhiyay Ciidanka ATMIS

by Laacib

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ka duulaya qaraarka uu tirsigiisu yahay 2687 ee 2023, waxa uu muddo lix bilood dib u cusbooneysiiyay waajibaadka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Somaliya (ATMIS).

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa Talaadadii si wadajir ah u ansixiyay qaraar lix bilood oo lagu kordhinayo Hawlgalka ATMIS illaa bisha December ee sanadkan, kaas oo lagu taageerayo qorshaha ay Dowladda Federaalka isugu diyaarineyso wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo dhimista tirada Ciidanka Midowga Afrika.

Golaha ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay inay sii waddo la shaqeynta Midowga Afrika, Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub, si la hawlgalayaasha ay u dedejiyaan horumarinta awoodeeda madaxbannaanida ee lagama maarmaanka ah, si tartiib tartiib ahna ay Ciidanka Xoogga Dalka amniga dalka uga la wareegaan Ciidanka ATMIS, iyadoo markaasi laga wada shaqeynayo qorshaha ay ciidamadaasi uga baxayaan dalka.

Golaha ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika ugu yeeray inay si wadajir ah qiimeyn farsamo ugu sameeyaan, ugu dambayn 31-ka bisha August, waxa ka hirgeliyay wejiga hore ee qorshaha ka bixitaanka Ciidanka ATMIS ee dalka, si 15-ka bisha September loo bilaabo wejiga labaad ee bixitaanka ciidamadaasi.

Wejiga hore ayay tahay in ATMIS ay dhammaadka bishan June dalka ka saarto 2,000 oo askari, halka wejiga labaadna uu qorshuhu yahay in dalka laga saaro 3,000 oo askari oo dheeraad ah.

Golaha Ammaanka ayaa Dowladda Federaalka ka codsaday inay 30-ka bisha November soo gudbiso warbixin cusub oo la xiriirta horumarka laga gaaray xeryaha ay ciidamadeeda kala wareegayaan kuwa ATMIS, si dib u eegis loogu sameeyo qaab dhismeedka ciidamada la wareegaya amniga dalka.

Safiir Kuxigeenka Somaliya ee Qaramada Midoobey, Maxamed Raabi Yuusuf ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay inay masuuliyad buuxda iska saarto ilaalinta waqtiyada lagu heshiiyay, isla-markaana ay Midowga Afrika kala shaqeyn doonto qorsheynta iyo hirgelinta dhimista ciidamadaasi, waxaana uu intaasi ku daray in hadda uu heer geba-gabo ah marayo wejiga hore oo dalka looga saarayo 2,000 oo askari.

“Dowladdu waxay sameyn doontaa diyaarinta lagama maarmaanka ah, iyadoo la kaashaneysa Midowga Afrika, si loo hirgeliyo qorshaha wejiga labaad ee dalka looga saarayo 3,000 oo askari bisha September.” Ayuu yiri Safiir Kuxigeenka.

Waxa kaloo uu sheegay in qorshaha Ciidamada Qaranka si tartiib tartiib ah amniga dalka uga la wareegayaan kuwa ATMIS ay ku xiran tahay helitaanka awoodaha howlgelineed ee loo baahan yahay, taas oo ay qayb ka tahay in dalka laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, isagoo intaa ku daray in cunaqabateyntu ay caqabad ku tahay awoodda ay dowladdu u leedahay in ciidamadeeda amniga la wareegaya ay ka hortaggaan weerarada sii kordhaya ee Al Shabaab. Cunaqabateynta oo la qaado ayuu sheegay inay ciidamada ka caawin karto in dalka laga ciribtiro Shabaab.

Ciidanka ATMIS ayaa toddobaadkii hore bilaabay in xeryaha ay ka baxayaan ku wareejiyaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Illaa iyo hadda Ciidanka ATMIS ayaa banneeyay afar saldhig oo saddex ka mida ay ku yaallaan Gobolka Shabellaha Dhexe, halka kan kalena uu ku yaalo deegaanka Arbacow oo Magaalada Muqdisho kaga beegan dhanka Koonfur Galbeed.

Ciidanka ATMIS ayuu qorshuhu yahay inay si guud amniga dalka ugu wada wareejiyaan Ciidanka Xoogga Dalka bisha December ee sanadka 2024, inta ka horeysana ay tahay in Taliska ATMIS uu si tartiib tartiib ah u dhimo amaba yareeyo tirada ciidamada ka jooga dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc