Home Wararka Maanta Golaha Ammaanka oo war adag ka soo saaray colaadda Laascaanood

Golaha Ammaanka oo war adag ka soo saaray colaadda Laascaanood

by Laacib

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha weli ka socda Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Golaha Ammaanka ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in colaadda Laascaanood ay ku dhinteen dad fara-badan oo rayid ah, qiyaastii boqol iyo konton kun oo qofna ay ku barakaceen.

Golaha Ammaanka ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay dagaalka, tan iyo 6-dii bishii February ka socda Magaalada Laascaanood, una dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Golaha Ammaanka ayaa warsaxaafadeedkoodan ku sheegay in goluhu uu ixtiraamayo madaxbannaanida dhuleed, jiritaanka qaranimada iyo midnimada siyaasadeed ee Somaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in goluhu uu soo dhaweynayo dadaalada nabadeed ee Dowladda Somaliya iyo Odayaasha Dhaqanka ee u istaagay xal u helidda colaadda magaaladaasi, si loo bilaabo wada hadal ay Soomaalida garwadeen ka tahay.

Golaha ayaa ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh dagaalka Laascaanood inay gaaraan heshiis xabad joojin ah, iyagoona bogaadiyay wada hadal loo dhan yahay oo lagu soo afjarayo colaaddaasi.

Dhanka kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Somaliland ugu baaqay in ay si dhakhsa ah ciidamadeeda uga la baxdo Magaalada Laascaanood, ayna tahay in dhinacyadu ay is xakameeyaan, isla-markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo colaadda sii hurin kara.

Golaha ayaa dhinacyada ugu yeeray inay garwaaqsadaan waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadanimo iyo shuruucda xuquuqda aadanaha.

Golaha ayaa ku goodiyay in dhinacyada lagu la xisaabtami doono masuuliyadda ka saaran arrimahaasi, si gaar ah kuwa jebiya xeerarka caalamiga, isla-markaana gaysta xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Waa warkii ugu adkaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ka soo saaro dagaalka bishiisii 5aad ka socdo Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc