Home Wararka Maanta Golaha Amniga & Nabadda ee Midowga Afrika oo war ka soo saaray xiisadda Somaliya iyo Itoobiya

Golaha Amniga & Nabadda ee Midowga Afrika oo war ka soo saaray xiisadda Somaliya iyo Itoobiya

by Laacib

Golaha Amniga & Nabadda ee Midowga Afrika ayaa maanta shir ka yeeshay xiisadda ka dhex taagan dalalka Somaliya iyo Itoobiya.

Golaha ayaa soo saaray warsaxafaadeed ka dib kulankaasi, waxayna ku sheegeen inay tixgeliyeen xaaladda u dhaxeysa labada dal, iyagoo warbixino ka dhageystay Safiirka Somaliya u jooga Midowga Afrika, Cabdullaahi Warfaa iyo Safiirka Itoobiya ee Midowga Afrika, Ayele Lire

Golaha aya sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xiisadda u dhaxeysa labada waddan, ka dib heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Golaha ayaa sheegay inay ka baaraan-deggeen sida xaaladdan u saamayn karto gobolka, waxayna soo dhoweeyeen hadalkii uu arrintan horey uga soo saaray Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, 3-dii bishan January.

Golaha ayaa sheegay inuu si aan caad saarnayn u caddeynayo inay si buuxda u taageerayaan ilaalinta midnimada, midnimada dhuleed, madaxbannaanida iyo gobanimada, dhammaan dalalka xubnaha ka ah ururka oo ay ku jiraan Itoobiya iyo Somaliya.

Golah ayaa ugu baaqay Somaliya iyo Itoobiya inay ku taagnadaan, isla-markaana ay tilmaansadaan mabaadii’da Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah, marka ay noqoto xiriirkooda laba geesoodka ah iyo kuwa caalamiga ah.

Golaha ayaa ugu baaqay jilayaasha shisheeye inay ixtiraamaan mabaadii’da faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee laba xubnood ee ka midka ah Midowga Afrika.

Golaha ayaa ugu baaqay labada waddan inay dulqaad muujiyaan, isla-markaana ay ka dhowrsoonadaan ficilada iyo hadalada sii hurin kara xaaladda.

Golaha ayaa ka codsaday Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu u diro Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, si uu wada hadal uga dhex bilaabo labada dhinac, isla-markaana uu si joogto ah ugu soo wargeliyo golaha.

VOA.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc