Home Wararka Caalamka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey oo u codeeyay in la joojiyo dagaalka Gaza

Golaha Guud ee Qaramada Midoobey oo u codeeyay in la joojiyo dagaalka Gaza

by Laacib

Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa goor dambe oo xalay ahayd meelmariyay qaraar dalbanaya xabad joojin bani’aadantinimo oo degdeg ah oo laga sameeyo Marinka Gaza.

193-ka dal ee ka tirsan golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa isugu yimid shir degdeg ah, oo lagaga hadlayay colaadda Gaza, ka dib markii Dowladda Masar ay soo gudbisay qaraar lagu dalbanayo xabad joojin bani’aadantinimo.

Dowladaha ayaa si aqlabiyad leh u taageeray qaraarkan, kaas oo ka tarjumaya sida dunida ay isku dhinac uga tahay waxa ka socdo Gasa.

153 dal ayaa taageeray qaraarka, iyadoo 10 dal oo ay ku jiraan Mareykanka, Austria iyo Israel ay diideen, halka 23 dal oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo UKraine ay ka aamuseen codeynta.

Qaraarka ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladda bani’aadantinimo ee masiibada ah ee ka jirta Marinka Gaza iyo dhibaatada ay dhexda uga jiraan dadka rayidka ah.

Qaraarka ayaa dalbanaya in la ilaaliyo badqabka dadka rayidka ah, lana ixtiraamo kaabeyaasha rayidka, si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka, iyadoo dhinacyada laga dalbaday in ay u hoggaansamaan shuruurcda caalamiga ah.

Sidoo kale qaraarka ayaa ku baqaya in si degdeg oo bilaa shuruud ah loo sii daayo dhammaan la haysteyaasha iyo in la xaqiijiyo helitaanka gargaarka bani’aadantinimo.

Iyadoo dib loo xusuusanayo dhammaan go’aamadii la xiriiray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, qaraarka ayaa lagu dabaqay baaqii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ee markii ugu horreysay cuskaday qodobka 99-aad ee Axdiga Qaramada Midoobey, ee ujeedkiisu ahaa in la sameeyo xabad joojin degdeg ah.

Waxa kaloo uu qaraarka xusay warqad uu Philippe Lazzarini, Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA u diray Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, Dennis Francis, isla-markaana uu sida dareenka leh uu warbixinta uga siinayay xaaladda murugsan ee ka jirta Marinka Gaza.

Qaraarkan uu meelmariyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaan ahayn mid sharci ah, oo ay khasab tahay in la fuliyo, balse waa mid xambaarsan miisaan siyaasadeed.

Tani ayaa timid, ka dib markii Mareykanku uu Jimcihii diidmada qaxayan ku hor istaagay qaraar ay Qaramada Midoobey ku dalbaneysay xabad joojin bani’aadantinimo, oo ay taageereen 13 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, si loo joojiyo dhiigga daadanaya ee ka socda Marinka Gaza, iyadoo tirada dhimashaduna ay sii kordheyso.

Mareykanka oo Israel ku gacan siinaya dhiigga shacabka Falastiiniyiinta ee ay ku daadineyso Gaza ayaa caqabad ku noqday dadaalada ay dunida ku dooneyso in lagu joojiyo duulaanka Israel ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc