Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada oo ansixiyay laba Hindise Sharciyeed (SAWIRRO)

Golaha Wasiirada oo ansixiyay laba Hindise Sharciyeed (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada, oo lagu ansixiyay laba Hindise Sharciyeed.

Golaha ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Shaqada Somaliya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada iyo Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed.

“Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay Hindise Sharciyeedka Shaqada Somaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, kaasi oo wax weyn ka bedeli doona xaaladda iyo xuquuqda shaqo ee shaqaalaha dowladda iyo kuwa shirkadaha gaarka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxaa sidoo kale goluhu ansixiyay Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha oo ka kooban sideed xubnood. Ujeeddada loo magacaabay golahan ayaa ah, si loo dardargeliyo howlaha iyo shaqada baaxadda leh ee horyaalla hay’adda, loona dhameystiro sharciyadda dhismaha gole maamul sare oo tayo leh.”

Ugu dambayn golaha ayaa warbixino la xiriira amniga dalka, canshuuraha, ciyaaraha iyo arrimaha Xajka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Diinta & Awqaafta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc