Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada oo mamnuucay in Shirarka Hay’adaha Dowladda lagu qabto dalka dibaddiisa

Golaha Wasiirada oo mamnuucay in Shirarka Hay’adaha Dowladda lagu qabto dalka dibaddiisa

by Laacib

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa maanta soo saaray go’aan ku saabsan inaanan Shirarka Hay’adaha Dowladda Federaalka lagu qaban karin meel ka baxsan dalka.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shir guddoominayay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayaa lagu faray Hay’adaha Dowladda in aan lagu qaban karin meel ka baxsan dalka shirarka u dhaxeeya heerarka kala duwan ee Hay’adaha Dowladda Federaalka.

“Golaha Wasiirada ayaa warbixin ku saabsan xaaladda gobolada dalka, waxa ay dhageysteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, waxaana ay tilmaamtay in dalka ay ka da’i karaan roobab daadad iyo fatahaado wata, kuwaas oo samayn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunyada.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Warka ayaa loogu baaqay bulshada Soomaaliyeed “Golaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee degan jiinka webiyada, meelaha godan, dooxooyinka iyo goob kasta oo ka dhalan karaan fatahaad in ay ka fogaadaan.”

Warka ayaa ugu dambayn lagu sheegay “Shirka golaha ayaa looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixino ku saabsan hawlgaladii ugu dambeeyay iyo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.”

Qaraarka Golaha Wasiirada ee Shirarka Hay’adaha Dowladda looga mamnuucay dalka dibaddiisa ayaa ku soo aadaysa, xilli la hadalhayo in khilaaf cusub uu soo kala dhexgalay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada qaarkood, kaasoo soo ifbaxay markii uu dib-u-dhaca ku yimid Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu waday in toddobaadkan ay Magaalada Muqdisho ku yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan oo qorshuhu ahaa in maalmihii Sabtida iyo Axadda uu ka qabsoomo Caasimadda Muqdisho ayaa baaqday, ka dib markii Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood aysan soo ajiibin ka qaybgalkiisa, isla-markaana aysan iman magaalada.

Madaxtooyada Puntland oo kale waxay si toos ah u qaadacday ka qaybgalka shirkaasi, maadaama Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Madaxda Dowladda Federaalka, balse waxay dadku su’aalo iska weydiinayeen sababta aysan shirka uga soo qaybgelin madaxdii kale ee aan iman Muqdisho.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa habeenkii Jimcaha sheegay in shirka uu u baaqday arrimo farsamo awgood, dibna loo dhigay muddo kooban oo aan la cayiman.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in aanu wanaagsanayn xiriirka Villa Somalia iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, bacdamaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ay madaxdu ka qaybgeli jireen, iyadoo uu ka maqan yahay Madaxweye Deni. Deni ayaan ka qaybgelin saddexdii shir ee ugu dameysay ee uu goluhu yeeshay.

Shirkan oo labadii biloodba mar la qaban jiray ayaan qabsoomin, tan iyo bishii August, waana shir inta badan looga hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sheegay in dowladdiisu ay dadaal badan gelisay, sidii ay xiriir wanaagsan oo ku dhisan nidaam sharci ah, kuna saleysan danta dadka iyo dadka ay ula yeelan lahayd dhammaan Dowlad Goboleedyada, gaar ahaan Puntland, welina ay ka go’an tahay inay sii waddo dadaal kasta, oo ay ku hagaajineyso xiriirka wada shaqeyneyd ee labada dhinac.

“Dowladda Federaalka waxaa ka go’an, sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wada shaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka, si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bani’aadanimada, iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad Goboleedyadu.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo warkan ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada ugu baaqay inaysan siyaasadeyn arrimaha masiiriga u ah dowladnimada, sida midnimada iyo wadajirka dalka, madaxbannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee dalka, amniga dalka iyo badqabka muwaadinka.

Tan iyo dib-u-yegleeliddii Dowladnimada Somaliya oo haatan laga joogo 24 sano, dowladihii kala dambeeyay ee dalka ayaa wajahayay caqabado siyaasadeed, oo marba ay marxalad joogtay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc