Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada oo meelmariyay hannaanka doorashooyinka dalka

Golaha Wasiirada oo meelmariyay hannaanka doorashooyinka dalka

by Laacib

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka oo uu shir guddoominayo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ansixiyay jiheynta hannaanka doorashooyinka dalka, oo 27-kii bishii May ay ku heshiiyeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, marka laga reebo Puntland ayaa ku heshiiyay inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo ay ku tartamayaan laba xisbi oo qura, dalkuna uu yeesho Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, oo bedelaya nidaamka hadda jira, ee ah Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha. Heshiiska ayaa waxaa ku cad in muddo xileedka Madaxweynaha laga dhigay 5 sano, halka uu 4 sano ka ahaa, tani ayayna khasab tahay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka KMG ee dalka.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa faray wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso inay si dhakhsa ah uga hawlgalaan diyaarinta shuruucda loo baahan yahay ee lagu dhaqangelinayo heshiiskaasi.

“Wixii wax ka bedel ah ee lagu sameynayo Dastuurka KMG ah waxaa loo soo diyaarinaya si waafaqsan cutubka 15aad ee Dastuurka KMG, loona soo gudbinayo Golaha Wasiirada, si loo horgeeyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.” Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale oo faah faahinayay waxyaabaha looga hadlay shirka Golaha Wasiirada.

Afhayeenka ayaa yiri “Dhameystirka habraacyada, dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso waa in ay dhameystiraan habraacyada dastuuriga ah iyo kuwa la tashiga ee laga ma maarmaanka u ah dhaqangelinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka, iyada oo la xeerinayo danta guud ee qaranka. Wasaarad kasta iyo hay’ad kasta oo kaalin ku leh dhaqangelinta heshiiskani waxaa lagu la xisaabtami doonnaa dhaqangelinta kaalinteeda ku aaddan hirgelinta heshiiska.”

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa meelmariyay Dib-u-eegista Ku Tala-galka Miisaaniyadda Dowladda ee 2023.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay magacaabista Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga & Diiwaangelinta Dadweynaha oo loo magacaabay Cabdiweli Cali Timacadde iyo Kuxigeenkiisa oo loo magacaabay Cabdullaahi Biixi Xuseen.

Goluhu waxa kaloo uu ansixiyay magacaabista Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoootiga & Barakacayaasha Qaranka oo loo magacaabay Safiya Xasan Maxamed iyo Kuxigeenkeeda 1aad iyo 2aad oo loo kala magacaabay Cabdullaahi Aadan Cabdi iyo Maxamed Cabdullaahi Salaad.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc