Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada oo mushaarkooda ku taageeray Ciidanka Xoogga Dalka

Golaha Wasiirada oo mushaarkooda ku taageeray Ciidanka Xoogga Dalka

by Laacib

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa mushaarkooda hal bil ugu deeqay Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shir guddoominayay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayay goluhu ku go’aansadeen in mushaarkooda bisha ay ku taageeraan ciidamada.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in tani ay dhiirigelin u tahay Ciidamada Qalabka Sida iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee dagaalka ka qayb qaadanaya.

“Go’aankan taariikhiga ah ee Golaha Wasiirada, waxa uu dhiirigelinaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah iyo weliba dadka deegaanka ee dagaalka xaqa ah kula jira kooxaha cadowga ah ee Khawaarijta, waxayna qayb ka tahay baaqii Madaxda Qaranka ay ku baaqeen inaanan loo kala harin dagaalka, cid walbana ay ka qayb qaadato.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa maanta meelmariyay warbixinta sanad maaliyadeedka 2022 iyo afar Hindise Sharciyeed.

Hindise Sharciyeedyadan ayaa kala ah: Hindise Sharciyeedka Diiwaanka Sakada, Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada & Cimilada, Hindise Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La dagaalanka Burcad Badeedda & Ka hortagga Afduubka ee Sharci Lambar ee 36 ee la meelmariyay 30-kii bishii April ee sanadkii 1975-kii iyo Hindise Sharciyeedka Ilaalinta & Taakuleynta Barakacayaasha.

Golaha ayaa ugu dambayn ansixiyay heshiis dhex maray Dowladda Somaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, lana xiriira dhinaca amniga oo labada dal ay iska kaashan doonaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc