Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada oo warbixino ka dhageystay Wasiirada Gaashaandhigga & Amniga

Golaha Wasiirada oo warbixino ka dhageystay Wasiirada Gaashaandhigga & Amniga

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada, oo diiradda lagu saaray amniga dalka iyo Dib-u-habaynta Hannaanka & Maamulka Dowladnimada casriga ah.

Golaha ayaa warbixino la xiriira arrimaha amniga iyo hawlgala dalka ka socda ka dhageystay Wasiirada Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Amniga Gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

“Golaha ayaa bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ee ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka lagu la jiro Khawaarijta, iyada oo jab xoogan lagu gaarsiiyay argagixisada hawlgalo qorsheysan iyo dagaalo guulo laga gaaray oo laga fuliyay qaar ka mid ah gobolada dalka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa loo soo bandhigay Habka Maareynta Waxqabadka & Adeegsiinta Bulshada oo wax badan ku soo kordhin doona Is bedelka Qaybaha Dowladda, sida Hoggaaminta toosan, Maamul-Wanaagga iyo Hirgelinta Istiraatijiyadaha u horseedi kara Soomaaliya Horumar Dhaqan-Dhaqaale oo degdeg ah.”

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Maaliyadda, Biixi Imaan Cige iyo Shaqada & Arrimaha Bulshada Maxamed Cilmi Ibraahim oo dhawaan xilka la wareegay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc