Home Wararka Maanta Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo muddeeyay waqtiga doorashada la qabanayo (SAWIRRO)

Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo muddeeyay waqtiga doorashada la qabanayo (SAWIRRO)

by Laacib

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada guud iyo waqtiga ay ka qabsoomeyso deegaanada Somaliland.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay in Doorashada Madaxtooyada iyo tan Xisbiyada Siyaasadda la muddeeyay in la qabto 13-ka bisha November ee sanadkan 2024.

Guddiga ayaa sheegay in mar qura ay wada qaban doonaan Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo tan tooska ah ee Axsaabta Siyaasadda, isla-markaana ay ku qaban doonaan waqtiga ay asteeyeen.

Muuse Xasan Yuusuf, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay go’aamiyeen in Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka ay keliya ku tartamaan musharaxiinta saddexda xisbi ee kala ah Kulmiye, Waddani iyo UCID.

Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashada tooska ah ee Axsaabta Siyaasadda ay iyana ku tartami doonaan saddexda xisbi iyo tobanka Urur Siyaasadeed ee la diiwaangeliyay.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa xusay in jadwalkan doorashada ee ay soo saareen ay u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Gudoomiyaha ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay u diyaargaroobaan doorashooyinka, isagoona daneeyeyaasha doorashada ka rajeeyay inay ka qaybgeli doonaan, si buu yiri doorashadaasi ay inoogu qabsoomto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc