Home Wararka Maanta Guddoonka Baarlamaanka Federaalka oo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh (SAWIRRO)

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka oo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyeyaasha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada Gudoomiye ayaa maanta magaaladaasi u tegay dhiirigelinta Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamaya bartamaha dalka.

Kulanka ayaa ahaa mid ay madaxdu isaga wareysanayeen xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

“Guddoomiye Aadan Madoobe oo Madaxweynaha ku bogaadiyay doorkiisa hogaamineed ee la dagaalanka Khawaarijta ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed leeyihiin hal cadow oo caqabad ku ah jiritaankooda, isla-markaana ay tahay in laga ciribtiro guud ahaan dalka.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiye Aadan Madoobe.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Gudoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, oo ah metelayaasha shacabka ay si buuxda u garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka.”

Aadan Madoobe ayaa Arbacadii bogaadiyay hawlgalka ay ciidamadu ka wadaan deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, isagoona Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan wejiga labaad ee hawlgalka.

Waa kulankii ugu horreyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu la qaato Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, tan iyo intii uu Dhuusamareeb ka dhigtay bar uu kala socdo hawlgalada Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc