Home Wararka Maanta Guddoonka Golaha Shacabka oo guddi u saaraya xiisadda Baraawe + SAWIRRO

Guddoonka Golaha Shacabka oo guddi u saaraya xiisadda Baraawe + SAWIRRO

by Laacib

Xiisadda ka taagan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose oo gaartay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta si adag uga hadlay xiisadda ku soo korortay magaaladaasi.

Xildhibaanada ayaa u muuqday kuwo la kala safan Ciidankii Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ee maalin ka hor ku dagaalamay magaalo xeebeedkaasi Baraawe.

Xildhibaanada ayaa la arkayay, iyagoo hadalo adag isku weydaarsanaya fadhigii ay maanta ku yeesheen Xaruntooda Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ugu dambayn hadalka qaatay ayaa ku dhawaaqay in guddoonku uu guddi u saari doono waxa ka taagan Baraawe, si ay baaritaan dhameystiran ugu soo sameeyaan.

“Arrintan runtii illaa shalay warkeeda waana soo gaarayay. Shacabka dadkii meteli lahaa waa Xildhibaanadan, waana ogahay in dhammaantiin hadal idinka buuxo, waxna dhibsaneysiin, laakiin waxaan rabaa anigoo Xeer Hoosaadka raacayo arrintan waa laga hadli doonnaa, waxaana laga hadli doonnaa arrintan, marka hore guddi ayaan u saari doonnaa, markii xaqiiqada la inoo soo saaro, cidda khaladkaas leh, yaa dhibaatada ku wada, yaa wax gaareen, yaala dilay, maxaa la isku dilay, Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed maxay isku haystaan? Waxaas oo dhan guddigii xaqiiqo raadinta ahaa oo noo soo caddeyn lahaa oo na soo hordhigi lahaa, baan magacaabanaynaa walaalayaal, idinkoo aad u sharaf badan, raali ahaada.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Baarlamaanka sidiisaba wuxuu ka hadlaa arrin isaga ka sal gaaray oo dhab ah oo xaqiiqsaday ayuu ka hadlaa.”

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in xubnaha guddiga cusub ay noqon doonaan kuwo dhexdhexaad ah, isla-markaana fahamsan waxa meesha ka dhacay, ka dibna ay warbixintooda dib ula soo wadaagi doonaan Golaha Shacabka, markaasna ay Xildhibaanada wixii aragtidooda ah ku darsan doonaan.

Aadan Maxamed Nuur, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay ku soo magacaabi doonaan guddigaasi.

“Sida ugu dhakhsiyaha badan leh guddigaas ayaa la magacaabayaa, guddiga liiskiisa ayaana la soo saarayaa. Dad xog ogaal ah iyo dad akhyaar ah oo dhexdhexaad ah oo cidna u eexaneynin ayaan ku kordhinaynaa. Barnaamijka oo qoraal ah oo dhameystiran ayaa miiska na loo soo saarayaa, markaasaa arrinta geli doonnaa.” Ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe.

Hadalka Aadan Madoobe ayaa imaanaya, xilli Xukuumadda Federaalka ay waddo dadaalo lagu qaboojinayo xiisadda ka taagan Baraawe.

Marka laga soo taggo in Baraawe ay tahay Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, haddana waxaa la fahamsan yahay in hadda ay ku shaqeeyaan Masuuliyiinta Gobolka Shabellaha Hoose, oo aan iyagu ku shaqeyn Magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc