Home Wararka Maanta Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid iyo xubno kale oo ka tirsan Labada Gole ee Galmudug.

Labada Gudoomiye ayaa waxaa safarka ku wehlinaya xubno ay ka mid yihiin Habdhowraha Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Gudoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay magaaladaasi u taggeen dhiirigelinta Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab.

Dhuusamareeb waxaa muddooyinkanba ku sugnaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo magaaladaasi u jooga dardargelinta gulufka dagaal ee dowladdiisu dooneyso in xididada loogu siibo Al Shabaab.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa Arbacadii bogaadiyay hawlgalka militari ee ka socdo deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, isagoona Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ugu baaqay in iyana ay u diyaargaroobaan wejiga labaad ee hawlgalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc