Home Wararka Maanta Guddoonka Labada Aqal oo yeeshay kulan muhiim ah (SAWIRRO)

Guddoonka Labada Aqal oo yeeshay kulan muhiim ah (SAWIRRO)

by Laacib

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Habdhowrayaasha iyo Xoghayeyaasha Labada Aqal ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Guddoonka Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha shaqo ee hortebinta u leh Baarlamaanka 11aad, kolka Xildhibaanada ay ka soo laabtaan gudasha acmaasha Xajka iyo fasaxa ciidda.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Gudoomiyaha Aqalka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa la isla gartay in si wadajir ah loo wajaho Kalfadhigga 3aad waxyaabaha horyaala Baarlamaanka Federaalka, sida dhameystirka wax ka bedelka dastuurka.

“Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa isla gartay in ay si wadajir ah u wajahaan Kalfadhigga 3aad sharciyada iyo howlaha kale ee muhiimka u ah qaranka, oo ay ugu horreyaan dhameystirka wax ka bedelka Dib-u-eegista Dastuurka KMG, ka howlgelidda heshiisyadii ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran iyo qodobo kale oo muhiim u ah geeddi-socodka dowladnimadda dalka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Golaha Shacabka.

Qodobada heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran oo hadda ay gacanta ku hayaan Guddiga Dib-u-eegista & La socodka Hirgelinta Dastuurka KMG ee Baarlamaanka Federaalka ayaa wax ka bedelka Dastuurka Qabyo Qoraalka kala shaqeynaya Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista & Hirgelinta Dastuurka, si luqad dastuuri ah loogu bedelo qodabada heshiiskaasi, ka hor inta aysan horgayn Xildhibaanada Labada Aqal, oo iyagu lagu wado inay fasaxa ka soo laabtaan bilowga bisha soo socota ee July.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, marka laga reebo Puntland ayaa 27-kii bishii hore ee May ku heshiiyay inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo ay ku tartamayaan laba xisbi oo keliya, dalkuna uu yeesho Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, oo bedelaya nidaamka hadda jira, ee ah Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha. Heshiiska ayaa waxaa ku cad in muddo xileedka Madaxweynaha laga dhigay 5 sano, halka uu 4 sano ka ahaa.

Madaxda ayaa xilligaasi Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista & Hirgelinta Dastuurka KMG ugu baaqay in ay luqad dastuuri ah u bedelaan heshiishyadii uu goluhu gaaray.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc